images/stories/dsc07731.jpg 

 

 

 

Hargeysa(ANN)-Wadooyinka Laamiyada ah iyo fagaaraha Beerta xoriyada ee magaalada Hargeysa ayaa saaka la ceeryoomay

 

kumanaan qof oo ka mid ah taageerayaasha xisbiga mucaaridka ee Kulmiye iyo gaadiid laga lulay calanka iyo astaamaha xisbiga Kulmiye, isla markaana lagu dhejiyay sawirada musharixiinta xisbigaa uga qayb gelaya tartanka doorashada madaxtooyada Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo C/raxmaan Seylici .

 

Gaadiidka iyo kumaanan qof oo sida mawjadaha Badda uga soo qulqulayay wadooyinka iyo jihooyinka gebi ahaanba soo gala fagaaraha Beerta xoriyada, halkaas oo ay taageerayaasha Kulmiye doonayeen inay cududooda ku muujiyaan, maadama ay tahay maalintii u danbaysay ee ololaha sadexda xisbi, waxayna astaamaha calanka kulmiye ee labada midab lihi maanta si weyn wax uga bedeleen muuqaalka magaalada Hargeysa..

 

Musharaxa Madaxweynaha ee Kulmiye Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa khudbad uu kula dardaarmayo taageerayaashiisa uga jeediyay halkaa, wuxuuna isagoo dadka la hadlaya yidhi, “Walaalayaal, dadwaynaha halkan isugu yimi ee gobolka  Maroodijeex ee magaladan Hargaysa waan idin salaamaya  ee nabadi korkiina  ha ahaato. 

waxaan aad iyo aad idiinka mahadcelinayaa sida  fiican ee  qiimaha iyo

qaayaha leh ee aad noogu soo baxdeen iyo taageerada aad u haysaan 

xisbiga KULMIYE,  walaalayaal waxaan idiin sheegaynaa maanta ololaha doorashada ee dalka ka socda  waxa xisbiga  KULMIYE meelkasta dad waynuhu u muujiyay niyad-sami fara badan, walaalayaal farxad wayn ayaad na geliseen.”

  .

 

“Walaalayaal maanta doorasho ayeynu u dhaqaaqaynaa oo waxaynu la tartamaynaa  musharixiinta  xisbiya UDUB Daahir  Rayaale iyo UCID, walaalayaal Daahir Rayaale wuxuu wadanka xukumayey  siddeed sannadood, wax uu  qabtay oo muuqda waad ogtihiinoo ma jirto, wax allaale iyo  wax lagu faano oo uu qabtay ma jiraan,  waad ogtihiinoo  waxa uu si caddaana u sheegay  inuu Dhiisha buuxsaday, inuu isaguna  baahidii ka baxay, waxa kale oo uu sheegay inaanu u baahnayn xisbi kaloo tartan la gala in loo keeno,” ayuu yidhi Siilaanyo

Musharaxa Kulmiye  Axmed Siilaanyo waxa uu eedayn u jeediyey Musharaxa UDUB Daahir  Rayaale, isagoo yidhi; “Daahir Rayaale Kaahin  sidiisa ayuu  dadka  moodayaa, waa ninkii isagoo dalka kabaxaya oo wuxuu gaysatay la oggaa la saamaxay ee la soo celiyey ee aanu Madaxwaynaha ku sharafnay, waxa u abaalkii dalkan iyo dadkan ka dhigay inuu yidhaahdo weelkii ayaa ii buuxsamay, walaalayaal waa ayaan-darro, ummadda reer Somaliland waxaannu u caddaynaynaa in aanaan weelka annagu ka buuxsanayn Isha Allaahu Ilaahay ha nala qabtee in aannu shacabka weelka u buuxinayno “Walaalayaal wuxuu nagu tilmaamay oo masuuliyiinta waaweyn ee xilkaska ah ee aan magacooda iyo sharaftooda la taaban Karin ee ummaddan u soo halgamay ee dhaqanka wanaagsan leh ee aad wada taqaanaan ayuu ku tilmaamay xagjir. Dadka ayuu niyad xumo gelinayaa, shacabkii la oggaa ee sidaynu oggnahay argagixisada ula dagaalantay, ciddii ugu horreysay ee aqalkiisa tagtay maalintii la ina soo weeraray waxaannu ahayn aniga iyo Guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali-waraabe. Shacabkani waakii nabadgelyada u dagaalamay ee ilaalinaya Ilaahay ka sakow ee budhcadda la dagaalama.”

Mr. Siilaanyo wuxuu  xisbiga KULMIYE taageerayaashiisa u tilmaamayey qaar ka mid ah qodobada barmaamujkiisa siyaasadeed ee uu doonayo inuu dalka ku xukumo, wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya  yidhi, “Walaalayaal haddii aannu xisbiga KULMIYE nahay barmaamij cad ayaanu soo saarnay oo aannu ku caddaynay waxyaabaha aannu ummadda u qabanayno, waxa ka mid ah dhallinyarada tahriibaysa in shaqo loo sameeyo, waxbarashada in kor loo qaado, kor u qaadida caafimaadka,Biyo  la’aanta Hargeysa iyo dalka intiisa kale in wax laga qabto, in ciidanka qaranka derajo loo sameeyo, waxa kale oo ka mid ah la dagaalanka musuqmaasuqa, kobcinta dhaqaalaha.

Walaalayaal ummaddu waxay u baahan tahay isbeddel, waxaannu idinka ballanqaadaynaa in isbeddelkaa kuwii keena Isha Allaahu noqono, walaalayaal waxaannu idiinka baahanahay oo aannu idinka codsanaynaa in aad taageeradiina, kalsoonidiina  iyo codkiina na siisaan.” ayuu yidhi Musharaxa madaxweynaha ee Kulmiye, Axmed Siilaanyo

 

Sidoo kale waxa halkaa ka hadlay Xoghayaha Arrimaha Debeda ee xisbiga KULMIYE  Dr. Maxamed Cabdillaahi, oo sheegay in xisbiga KULMIYE aaminsanyahay in lala dagaallamo cid kasta oo kasoo horjeeda jiritaanka qaranimada iyo nabadgelyada Somaliland, isagoo xusay in xafiiska arrimaha debeda ee Kulmiye ay kusoo qul;qulayaan durba dhanbaalo lagu hanbalyaynayo, isla markaana ay beesha caalamku si weyn u garab taagantahay taageero hiil iyo hooba dawlada ku timaada isbedelkaa.

Dr. Maxamed waxa uu xusay in tan iyo waqtigii Somaliland jirtay aanu ka dhicin isbedel la taaban karaa. Sidaa awgeed ay lagama maarmaan tahay in maanta dalka Somaliland uu ka dhaco isbedel rasmi ah oo ku yimaada doorashada oo noqota mid xaq iyo xalaal ah iyo nidaam dawli oo cusub, kaas oo maanta dunidu balanqaaday inay wax la qabanayso, waxaana maanta aan cidna ka qarsoonayn ayuu yidhi in isbedelkaasi yahay Kulmiye oo ku shaqayn doona rabitaanka Bulshada

Waxaana gebagebadii isu soo baxaa beerta xoriiyada Hargeysa ay abwaano waaweyn, hal-abuuro caana  iyo fanaaniini kusoo bandhigeen Riwaayad heeso iyo majaajilooyin ku saabsan wacyiga iyo kaanbaynka xisbiyada, taas oo ay ku muujiyeen sida ay xisbiga Kulmiye uga go’an tahay inuu sameeyo horumar iyo isbedel dhab ah oo ku wajahan adeegyada aasaasiga ah ee Bulshada.  

Dhinaca kale isu soo baxyada sidan oo kale ah ayaa saaka ka dhacay gebi ahaanba magaalooyinka waaweyn ee dalka, iyadoo ay taageerayaasha Kulmiye kusoo khatimeen muujinta cududooda muuqaalo mawjado dad ah oo hafiyay magaalooyinka waaweyn ee dalka.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 

Araweelonews Hargeysa Office                  

E-mail; Info@araweelonews.com/ jaamac132@gmail.com shalcaw2@hotmail.com .

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *