Ceergaabo(ANN) Xiisad ayaa ka dhalatay xarunta Komishanka qaranka ee Gobolka Sanaag. Kadib markii saaka dadweynaha magaalada Ceergaabo ku waaberiisteen sawaxan iyo khilaaf ka dhashay

qaabka loo maamulay  liiska hubiyaaysha  goobaha doorashada oo lagu soo dhejiyay afaafka hore ee xarunta Komishanka.
Dad goob jog ah ayaa u sheegay shebekada wararka ee Araweelonews inay rabshadu ka dhalatyay liiska hubiyayaasha goobaha cod bixinta oo la bedelay, taas oo ka cadhaysiisay ururada iyo musharixiinta.
Boqolaal Dadweynaha isugu yimi xarunta Komishanka  oo ka cadhooday arrintaa ayaa shiiday xarunta Komishanka, iyadoo Booliskuna ku jawaabeen rasaas., lama oga ilaa hada inay rasaasta boolisku rideen wax dhaawac iyo dhimasho ah keentay, balse dhagxaanta dadku tuurayeen ayaa sababay inuu dhaawac soo gaadho askari Booliska, kaas oo dhakhtarta loola cararay.
Ciidanka Milateriga ayaa goobta yimi si ay u dejiyaan  xaalada,waxayna xabsiga u ntaxaabeen Maayarka Ceergaabo Ismaaciil Xaaji Nuur oo lala xidhiidhiyay inuu sabab u ahaa rabshadaha soconaya. kadib markii uu ka horyimi qorshaha Komishanka doorashooyinka.
balse sida ay wararku sheegayaan waa weli socda rabshada ka dhalatay arrintaa, iyadoo taageerayaasha WADDANi ee ururka uu Maayarku ka tirsan yahaygubayaan taayiro, kuwaas oo ay ciidanka Milaterigu la tacaalayaan.
komishanka doorashooyinka ee guud iyo kuwa gobolka ayaanay noo suurta gelin inaanu helo si aanu wa uga weydiino arrintaa.

Dhinaca kale deegaanka Lughaya ayaa laba qof ku dhinteen, waxaana dhaawac soo gaadhay hal qof. kadib markii koox taageerayaasha musharixiinta qaarkood ay qaateen Sanduuq kuwa doorashooyinka ah oo ay doonayeen inay meel gaar ah oo aan ahayn goobtii uu ku qornaa geystan. laakiin Booliska ayaa kasoo reebay sanduuqa kooxdaa, waxaana lagu celiyay goobtii hore loogu qorsheeyay.
sida aanu ka helay dadka deegaanka oo aanu la xidhiidhnay.  Wixii war ah ee kasoo kordha kala soco shebekada araweelonews.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *