Hargeysa(ANN)Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa digniin u diray maamulka Puntland oo uu sheegay inay doonayaan inay carqaladeeyaan doorashada Somaliland. Gudoomiye Saleebaan wuxuu sidoo kale

ka hadlay hawlaha doorashada, isagoo baaq dar-daaran ah u jeediyay Axsaabta siyaasadda ee tartamay iyo dhinacyada maamulaya hawsha sida Komishanka Doorashooyinka, Gudida diiwaan gelinta, iyo dadweynaha.

Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan, wuxuu sidaa ku  sheegay shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay xafiiskiisa, wuxuuna isagoo tilmaamaya maalinta cod bixinta yidhi,  “Waa maalin hawleed,  waa maalin dheer, waana maalin adag. Inshaalaahu Illaahay nabadda wuu ina wada waafajin doonaa. Dadweynaha Somaliland waxaan leeyahay codkiina bixiya, waa waajib ina wada saaran cidii aad idinku rabtaan codkiina siiya nabad-gelyaddana inoo wada ilaaliya.”.

Guddoomiyaha Guurtidu, wuxuu hadalo waano ah usoo jeediyay ururadda doorashada laga adkaado, kuwaas oo uu ka codsaday  inay xaq dhawraan codka dadweynaha, isagoo yidhi,  “ Qaranimaddeena aan  Ilaashano dadweynoow. Waxaan leeyahay ururadda oo aan ka codsanaynaa inay deganaansho iyo xasilooni ku galaan doorashadda. waa xaqiiq  waa la kala dheeraynayaa sadex uun baa soo hadhaya, waar ninkii laga dheereeyoow ina ilaali oo maxaa la iiga dheereeyay ha odhanin,  Laba qof haddii ay tartamaan mid baa dheeraynaya waxaan leeyahay aan xaq dhawrno codka dadweynaha.” ayuu yidhi.

Guddoomiye Saleebaan, waxa kaloo uu dar-daaran u jeediyay Komishanka doorashooyinka qaranka iyo gudida kala saarista Ururada iyo axsaabta qaranka, isagoo yidhi,  “Komishanka Doorashooyinka iyo Gudida diiwaan-gelintuba waa xaqsooreyaashii,  waa kuwii inoo xaqsoorayay. Wax dhibaato ah oo aanu ka sheegano ma hayno. Komishanka waxaan leeyahay  wixii la idiinka bartay ayaa la idiinka fadhiyaa. Gudida diiwaan gelintana waa loo soo bislaynayaaye’e ha ku dhawaaqeen natiijadda waxa laga rabaa Gudida doorashooyinka iyo muraaqibiintaba dedaal dheeraad ah.” ayuu yidhi Gudoomiyuhu, wuxuuna sheegay inaanay jirin wax la boobayaa, isagoo tilmaamay inay Somaliland illaa maanta si wanaagsan u waddo hirgelinta hanaanka doorashadda oo aanay jirin wax ceeb ah, isla markaana dunida kaga heshay sumcad iyo tix gelin sidaa darteed aanay doorashadu noqon mid wax xumaysa ee ay noqoto mid wax hagaajisa.

Dhinaca kale Guddoomiyaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan, wuxuu digniin u diray maamul goboleedka Puntland, wuxuuna ugu baaqay inay xaqdhawraan Somaliland, isagoo arrintaa ka hadlayana wuxuu yidhi,  “Waxaan Puntland leeyahay laba dal oo daris ah ayaynu nahaye’ aynu is xaq-dhawrno. Haddii aad na xaq-dhawri waydaan cidna kama taag roonidin. Waxaan leeyahay waxaad moodaa inay u tafo-xayteen inaanay doorashadani ka dhicin dalka. Waxaan leeyahay naga daaya doca-docaynta.” ayuu yidhi Gudoomiyaha Guurtida Somaliland.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *