Ceergaabo(ANN)Golaha Deegaanka ee degmadda Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag, ayaa maanta doortay Maayar iyo Maayar ku xigeen. kadib markii qayb ka mida xildhibaanada oo fadhi ay hore u yeesheen oo ay ku doorteen Maayar iyo ku xigeen lagu kala qaybsanaa, kaas

oo lagu tilmaamay mid aan sharciga waafaqsanay.
Hase yeeshee Golaha ayaa mar kale dib u fadhiistay saaka. kadib markii la dhaariyay xildhibaanada golaha deegaanka Ceergaabo oo ka kooban 21 xubnood, kuwaas oo u doortay Maayarka cusub ee magaaladaa Ismaaciil Xaaji Nuur Faarax oo muddo toban sanadood ah Maayar ka ahaa Ceergaabo.

Maayarka degmadda Ceerigaabo waxa uu helay 11 Xildhibaan, halka Murashaxii kale ee la tartamayay oo magaciisa la yidhaahdo Jaamac Jibriil Jaamac uu helay 7 cod oo kaliya.

Sidoo kale waxa Maayar xigeenka degmadda Ceerigaabo  loo doortay Saalax Ismaaciil Cabaase oo aanay cidi la tartamin waxa markii loo codaynayay fadhiyay 13 Xildhibaan, waxaana ogolaaday 11 Xildhibaan, halka laba xubnood oo kale ay ka aamuseen.

11 xubnood oo ka mid ah 21-ka Xildhibaan ee Ceerigaabo ayaa todobaadkii hore Maayar iyo ku xigeen u kala doortay labadan xubnood ee maantana dib loogu doortay, hase yeeshee. Waxa doorashadaa lagu tilmaamay mid sharci darro ah oo ay is doorteen,  iyagoo aan la marin habka uu tilmaamayo xeerku ee dhaarinta xildhibanaada cusub iyo sidoo kale iyadoo aanu goob joog ka ahayn badhasaabka Gobolka Sanaag oo sharciyan goob joog ka noqonaya fadhiga.

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *