Hargeysa(ANN)Mudanayaasha golaha deegaanka Caasimada Hargeysa, ayaa fadhi ay saaka subaxnimadii hore yeesheen Hoolka xarunta Dawlada Hoose  ee Hargeysa,  kaas oo lagu doortay Maayar iyo Maayar xigeen, kulankaa oo saaka loo balansanaa, waxa mudanayaashu u doorteen Maayarka

 

Caasimada Eng. Yuusuf Warsame Siciid, kaas oo ah xubinta ugu miisaanka culus xubnaha golaha deegaanka, isla markaana ah xubinta xisbiga xukuumadda ee Kulmiye  hore ugu  iclaamiyay inuu noqon doono Maayarka Caasimadda Hargeysa xiliggii Ololaha kaanbaynka doorashada.

sidoo kale waxa Maayar xigeen loo doortay C/casiis Maxamed Xaashi oo ah Nin dhalinayaro ah, kaas oo ka mid ah dhalinyarada ugu fir-fircoon ee kusoo baxay doorashadii golayaasha deegaanka ee dalka ka dhacay 28 Nov 2012.


Kulanka waxa kasoo xaadiray 15 xildhibaan oo ka mid ah 25 xubnood ee golaha deegaanka Hargeysa ka kooban yahay, balse 10 xubnood oo ka mid ah xubnaha golaha deegaanka Hargeysa ayaan iyagu ka qaybgelin kulankaa.

Badhasaabka gobolka Maroodi-jeex Axmed C/llaahi Xamarji oo shirkaasi gudoominayay ayaa sheegay in doorashadani sharci tahay kooramkuna buuxay.
wixii warar ee kasoo kordha kala soco shebekada araweelonews.c

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *