Hargeysa(ANN) Maayarka cusub ee loo doortay Golaha deegaanka Caasimada Hargeysa Eng.Yuusuf Warsame Siciid ayaa sharaxaad ka bixiyay dareenkiisa doorashada maanta 15 xildhibaan oo ka mid ah 25-ka mudane ee uu ka koobanayahay golaha deegaanka caasimadu

 

ugu doorteen Maayar iyo arragtidiisa xildhibaano toban xubnood ah oo aan kasoo xaadirin fadhigaa.
Sidoo kale Eng. Yuusuf waxa uu jawaab ka bixiyay hawsha hortaala ee caasimada oo dhibaatooyin badani haystaan iyo sida uu doonayo inuu wax uga qabto.

Eng. Yuusuf oo markii la doortay kadib ay kula kulmeen Huteelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa, weriyayaal ka socday shebekadda caanka ah ee Araweelonews.com iyo Wargeyska Jamhuuriya, wuxuu isagoo ka hadlaya dareenkiisa ku aadan arrintaa yidhi,“Dareenkaygu aad iyo aad ayuu u fiican yahay, way mahadsan yihiin ummadda reer Hargeysa oo laga yaabo in goob cod-bixineed oo walba kollayba cidi iga dooratay ha badnaadaan ama ha yaraadaane, waxaan leeyahay waxaynu wada galaynaa hawl ee waxaad naga filanaysaan waa wax wayn baan filayaa, laakiinse Ilaahay ha nala qabto ayaanu leenahay, idinkuna nala gargaara.”

Eng. Yuusuf oo ka jawaabaya su’aal ay suxufiyiinta ka socday Shebekadda Araweelonews.com iyo wargeyska Jamhuuriya weydiiyeen oo ahayd  Sidee ayaad wax uga qabanaysaa magaalada Hargeysa oo dhibaatooyin badani haystaan, wuxuu isagoo ka jawaabaya yidhi, “Waxyaabaha u baahan in wax laga qabto way badan yihiin oo wax la soo koobi karayo maaha, waxa ka mid ah qashin, gaadiid, caafimaad, dhaqan iyo waxaan la tirinkarayn oo magaalo hawl badan bay leedahay, meeshii laga bilaababa waa loo baahan yahay laakiin tafaasiishooda in aan hadda galo uma baahni, waayo waa hawl aad u ballaadhan oo meeshii wax laga qabtaaba ay faa’iido tahay.”

Dhinaca kale Eng. Yuusuf Warsame oo la weydiiyay maadaama ay fadhiga ka maqnaayeen toban xildhibaan oo ay taasi muujinay inay kala qaybsameen oo ay laba garab kala noqdeen golaha cusub ee deegaanka wuxuu usoo jeedinayo  xildhibaannada golaha degaanka ee aan madasha lagu doortay kasoo xaadirin, wuxuuna yidhi, “Waxaan odhan lahaa koox wada shaqaynaysa ayeynu nahay, wax faraq ahi ma jiro, faraqeena waxa ka wayn waxa ina horyaal ee la inoo diray, faraqeennu maaha wax macno leh ee wuxuu noqonayaa waxaan salba ku fadhiyin, laakiin hawsha la inaga sugayo in aynu dhammaanteen u guntanno ayaa aad iyo aad u wayne inta aynu caqligeenna ku wada noqonno aynu garabka isqabsanno.” ayuu yidhi Eng, Yuusuf.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *