xubnaha golaha deegaanka GebileyGebiley(Araweelo News Network) Xildhibaanadda Gollaha deegaanka ee Gebiley, ayaa sheegay in ay

 

kalsonidii kala noqdeen Maayarka Gebiley Shucayb Maxamed Muuse oo kusoo laabtay dalka Todobaadkii hore kadib markii uu safar uu kusoo maray qaar ka mid ah dalalka Yurub soo dhamaystay.

Inta badan xubnaha golaha deegaanka Gebiley oo mudooyinkan qorshaynay sidii ay xilka uga qaadi lahaayeen Maayarka Gebiley ayaa saxaafada kula hadlay maanta magaalada Hergeysa, waxayna ku sheegay kulankaa  in ay kalsoonidii kala noqdeen Maayarka  degmada gebiley Shucayb maxamed muuse, waxayna ku eedeeyeen inuu ku kacay  musuqmaasuq iyo inuu ku takrifalay hantidii ummadda. Sidaa awgeed ay u balameen in xilka laga xayuubiyo saacadaha soo socda.

Xildhibaanada oo tiradoodu ahayd 14 xildhibaan oo maanta Hargeysa u yimi sidii ay ogolaansho uga qaadan lahaayeen Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland ayaa sheegay in ay ku qanci waayeen qorshe Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Maxamed Waran-cadde usoo jeediyay oo ahaa in ay khilaafka dhexdooda ah meel iska dhigaan oo aanay ku degdegin in ay xilka ka qaadaan Maayarka, balse xubnaha ayaa ku ganacsaydhay qorshahaa, waxayna ku balanqaadeen in ay Maayar Shucub xilka ka qaadayaan.

Maayarka Gebilay Shucayb Maxamed Muuse, waxa mudooyinkii u danbeeyay si weyn uga soo horjeeday inta badan xubnaha golaha deegaanka Gebiley, waxaana marar hore ka badbaabiyay inuu xilkiisa waayo Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Warancade, balse xiligan oo ay u dhaarsan yihiin inta badan aqlabiyada golaha deegaank Gebiley, waxay kacdoonka iyo mucaaraddada xubnaha golaha deegaanku ksuoo qaadeen ksuoo beegantay, iyadoo uu Maayarku ka mid ahaa xubno masuuliyiinta Gebiley oo dhowaan lagu eedeeyay in ay lug ku lahaayeen dhacdo siyaasadeed oo saamayn ku yeelatay xidhiidhka dalalka Somaliland iyo Ethiopia ee dhinaca dublamaasiyada, kadib markii markii saraakiil ka tirsan sirdoonka dalka Ethiopia lagu qabtay deegaankaa, kuwaas oo ay masuulyiin ay ka mid ahaayeen Badhasaabkii hore ee Gobolka Gebiley iyo xubno kale ku waayeen xilalkoodaa.

Halkan Ka Daawo Xildhibanada oo ka hadlaya Maayarka

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *