nin xijaab xidhan1Hargeysa(Araweelo News Network)Ciidanka Booliska Somaliland, ayaa xaqiijiyey in ay gacanta ku dhigeen Nin ku lebisan Xijaabka Dumarka oo mudooyinkii u danbeeyay dadka qaarkood sheegeey in ay

 

ku arkeen caasimadda Hargeysa, kaas oo ugu danbayntii Booliska oo ku raad joogay ku qabteen maalintii Sabtida ee toddobaadkan magaalada Hargeysa.

Sidaana waxa warbaahinta u sheegay Taliyaha Booliska Somaliland Sareeye Guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan oo saxaafadda u xaqiijiyay in ciidanku ninkaas qabteen, isla markaana hadda lagu hayo baadhis ku saabsan kiiskiisa iyo sababaha ku kelifay inuu xidho xijaabka iyo niqaabka dumarka loogu tallogalay.

Sareeye Guuto Faddal, wuxuu isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi, “Wuu jiray in ciidanka boolisku qabteen ninkaas (xijaabka ku labbisan) shalay (maalintii Sabtida), markaa waa la baadhayaa, wixii natiijo ah ee ka soo baxana iyo waxa ku kelifay xijaabkaba dib ayaannu ka sheegi doonaa, kamana hordhacayo ilaa aannu gaadhno baadhista midhodhalkeeda,” ayuu yidhi Sareeye Guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan.

Waxa kaloo taliyuhu sheegay in ciidanka boolisku hadh iyo habeenba heegan buuxa ugu jiraan sidii loo sugi lahaa ammaanka iyo xasiloonida Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, waxaannu yidhi; “Ilaahay baa mahadleh, ciidanka boolisku hadh iyo habeenba waxay diyaar u yihiin sidii ay u sugi lahaayeen ammaanka qaranka Jamhuuriyadda Somaliland iyo bulshada reer Somaliland-ba. Si aad ah ayeyna hawlaha ilaalinta ammaanku u socdaan. Had iyo jeerna cid kasta oo khatar ku ah nabadgelyadda ciidanka boolisku way qabtaan, sharciga ayeyna horgeeyaan.” Ayuu yidhi Taliye Fadal.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *