Gen CallasHargeysa(Araweelo News Network)Abbaandulaha Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaland Birgaden General Cabdullaahi Xaaji Jaamac (Callas), ayaa ugu baaqay Madaxweynaha inuu xukuumaddiisa

 

isku shaandhayn ku sameeyo si ay kalsoonida shacabka ugu guulaystaan doorashooyinka soo socda.

Qoraal Af-Ingiriisi ku qoran oo Abbaanduuluhu soo gaadhsiiyey shalay xarunta Wargeyska Jamhuuriya, waxa uu ku sheegay in Madaxweyne Siilaanyo yahay hoggaamiye qiimo leh, waxtarna leh, balse madaxda xukuumaddiisa ku jiraan shaqsiyaad aragtidooda siyaasadeed gaaban tahay, isla markaana dannahooda ka raac wax kasta.

Qoraalka Abbaanduulaha ee xanbaarsan tallooyinka, isla markaana sharaxaad ka bixinaya qaybaha xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ka koobantahay ayaa u dhinaa sidan:- “Kala duwanaanshaha u dhexeeya habka fikirka guusha ee madxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Golihiisa Wasiirrada ayaa noqotay qaddiyad u baahan in bulshada loo fasirro.

Waxa aan sameeyey daraasad kooban oo ku saabsan sida hawlaha qaranku u socdeen afartii sanno ee u dambeeyey, waxaannan oggaaday in aragtida hoggaamineed ee madaxweyne Axmed Siilaanyo ku salaysan tahay waxqabad muhiim ah iyo ballanqado wax loogu qabanayo dalka dhibaatooyinka badan ka soo gudbay, isagoo kala horumariyey sida hawlaha waxqabad u kala muhiimsan yihiin dhinaca dhaqan-dhaqaale iyo horumarinta dhaqaale, halka ay ka ahayd xaqiijinta madaxbannaanida awoodeed ee Somaliland iyo waxqabadkeeda.

Waxa mudan in is-barbardhig lagu sameeyo aragtiyaha hoggaamineed ee madaxweynihii Maraykankan soo maray Mr. Abraham Linclons oo baaqiisii waxqabad iyo is-beddel ku taageereen dadweynaha reer Maraykan, kuna garab joogsadeen inuu si daacad ah u guto fulinta iyo meel-marinta qorshaynta iyo fulinta barnaamijyada istaraatijiyadeed istaraatijiyada, taasina waxay keentay in dadweynaha Maraykanku hantiyaad nabad waarta iyo barwaaqo joogto ah.

Si kastaba ha ahaatee, way caddahay in dadweynaha reer Somaliland xiligii doorashadda u coddeeyeen ninkii saxda ahaa, kuna haboonaa qaranka oo ah madaxweyne Siilaanyo, marka loo eego murrashaxiintii kale, laakiin, waxa wax laga xumaado ah in badanka qorshayaashiisii uu ku hamiyayey aan si sax ah loo hirgelin, sababtoo ah, waxa laga weeciyey jihooyinkii ay haysteen, iyadoo loo leexiyey jihooyin khaldan oo ay wataan masuuliyiin madaxweynuhu xilal u dhiibay oo dano shaqi iyo dhuuni-raacyo ah,” ayuu qoraalkiisa ku yidhi Abaanduulaha Ciidanka Qaranka Somaliland.

Waxa kaloo uu tilmaamay in wasiirro xilal muhiim ah haya oo xukuumada ka tirsan ay si khaldan ugu tagri faleen awoodaha dawladda ee lagu aaminay, kuwaasoo aannu magacaabin, balse uu ku eedeeyey inay qaloociyeen awoodaha hoggaamineed iyo aragtiyaha horumarineed ee madaxweyne Siilaanyo.

“Waxa jira dhibaato bulshadu ka dhaxashay is-xulufaysigii xisbiga KULMIYE ee dawladda dhaliyey, iyagoo Golaha Wasiirradu ka kala yimi saddex qaybood oo bulshada ah, kuwaasoo kala ah;

25% ka yimi siyaasiyiintii xisbiga KULMIYE
32% ka yimi dhallinyarada qurba-joogga ah ee aqoonta dibadaha ku soo bartay.
43% Golaha Wasiirradu waa bulsho dhexe oo kooxo waddaado ahina ku jiraan.

Arrinkaas darteed, koox kasta oo Golaha Wasiirrada ka mid ah waxay ku dhaqaaqday ujeeddooyinkooda siyaasiga ah ee ay dejisteen oo siyaasad ahaan iska soo wada horjeeda.

Tusaale ahaan; halkii ay gacmaha is-qabsan lahaayeen oo ka midoobi lahaayeen si ay waajibaadka dawladnimo ee masuuliyaddu farayso u gutaan, qorshayaasha siyaasadeedna ku dhaqaaqi lahaayeen, hadafna ku wada socon lahaayeen, waxay u kala jajabeen kooxo dano siyaasadeed oo aan macno lahayn ku kala duwanaaday.

Caqli ahaan waxaynu ogaan karnaa in qof aan helin fursad uu ku barto amma aan lahayn hoggaamin, waddaniyad ruuxiyan ah iyo tacliin aan ku filnayn oo khibrad weheliso ma qaban karo masuuliyad hay’adeed amma dawladeed, sidaa daraadeed halkii ay ka fahmi lahaayeen, madaxweynahana u fuddudayn lahaayeen waajibaadka culus iyo heerarka shaqo ee looga baahan yahay, waxay jahawareeriyeen Madaxweynaha, halka ay innaga laf ahaanteenna qaran ahaana ina jahawareeriyeen,” ayuu yidhi General Callas.

Abbaandulaha Guud ee Ciidammada Qaranka Somaliland, waxa kaloo uu dadweynaha reer Somaliland ugu baaqay in Madaxweynaha loo garab istaago, loona taageero siddii shacabka Maraykankanku u taageereen madaxweynahoodii Abraham Linclon, waxaannu  yidhi; “Waxaan shacabka Somaliland oo dhan ugu baaqayaa dibad iyo gudaba inay garab istagaan Madaxweynaha sidii dadka Maraykanku u taageereen madaxweynahoodii Abraham Linclon.

Waxa aan Madaxweynaha Somaliland laftiisa ugu baaqayaa inuu isku shaandhayn ku sameeyo si uu u xalliyo dhibaatooyinka ka horyimi hadafkiisii lagu doortay, sababtoo waad garanaysaa in isku shaandhaynta iyo isku beddelku yihiin hubka amma aaladda lagu gaadho dawlad-wanaagga.”

Waxa Birgaden General Cabdillaahi Callas ku soo gunnaanaday qoraalkiisa; “Waxa laga yaabaa in dadka qaar isweydiiyaan General Callas ma madaxweynaha ayuu u doodayaa. Halka qaar kale oo hadalkaygan akhriyaana igu eedeeyaan in aan weeraray xukuumadda. Dhammaan arrimahaas waa wada caqli-gal, laakiin waxaan aaminsanahay inay tahay waajibaadka saxda ah in qof kastoo aqoon leh u hadlo madaxa dawladda, taageerana Madaxweynaha haddii uu yahay ninkii ku habboonaa maamulka dalka, lana saxo hadduu khaldan yahay,” ayuu qoraalkiisa ku soo gebagebeeyay Jenaral Callas.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *