images/stories/somalilandvote.jpg  Hargeysa(ANN) Komishanka doorashooyinka Qaranka, ayaa si rasmiya u shaaciyey liiska kamadanbaysta ah ee cod bixiyayaasha doorashooyinka madaxtooyadda Somaliland

 

ee todobaadka fooda inagu soo haya ay u dareerayaan shacbiga Somaliland.

  Afhayeenka Komishanka Dooraoyinka Qaranka Maxamed Axmed Xirsi (Geelle), ayaa shir jaraa’id oo maanta ku qabtay Hutelka Imperial ee duleedka  Xarunta Komishanka, waxa uu kaga dhawaaqay tirada rasmiga ah ee kasoo baxday Liiska diiwaan gelinta ee xaqa u yeeshay inay ka qayb qaataan doorshada madaxtooyada, isagoo tiradaa ku sheegay   1,069,914 (Milyan Lixdan iyo sagaal kun sagaal boqol iyo Afar iyo toban) cod bixiye, kuwaas  dalka oo dhan u dareeri doona cod bixinta. 

 Qoraalka Afhayeenka oo dhammaystirani wuxuu   u qornaa sidan;-“Waxa nalaga sugayay Liiska cod bixiyayaasha doorashada Madaxtooyada ee aanu muddaba hawshiisa ku jirnay ilaa markii aanu shaqada la wareegnay, dabadeedna aynu samaynay bandhigii liiska iyo kaadhadhkii cusbaa ee la bixinayay, markaa waxa nalaga  sugayay liiskii kama dambaysta ah ee doorashada lagu gali lahaa, kaas oo maanta noo soo dhamaaday oo aanu soo saarnay.

 

 Liiska kama dambaysta ah ee doorashada lagu galayaa waxa uu noqday 1,069,914 cod bixiye, kolkaa sida uu na farayo xeerka diiwaangalinta ee xeer No/37/2007-dii soo baxay qodobkiisa 29-aad marka aanu liiska kama dambaysta ah soo saarno in axsaabta qaranka iyo wasaarada daakhiliga mid walba aanu siino koobi oo cajalad koombuutar ah ku jira, markaa tiibaanu saaka siinay inta aanu xafiiskayaga ugu yeedhnay xisbiyadii, markaa liiskaasi waxa uu noqonayaa liiska kama dambaysta ah ee doorashada lagu galayo goobahana aanu u dirayno ee lagu codayno.

 

 Sanadkii 200-8-dii markii diiwaangalintu dhacday waxa is-diiwaangaliyay oo magacyadoodu ay soo baxeen 1,375,660 qof, liiskan kama dambaysta ah ee aynu maanta soo saarnay waxa weeyaan  1,069,914, markaa faraqa u dhaxeeya  waxa weeyaan (saddex boqol iyo shan kun todoba boqol iyo lix iyo afartan) intaas ayaa ka baxday oo ah intii aan xaqa u lahayn inay codayso ee laga sifeeyay, taas oo qiyaastii noqonaysa 22% liiskii hore ee aynu haynay.

 

 

Dhinaca kale Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka Ciise Yuusuf (Ciise-xammari), ayaa soo saaray wareegto uu xayiraad ku saarayo dhaqdhaqaaqa isu-socodka gaadiidka dawlada, xisbiyada, hay’adaha iyo gebi ahaanba gaadiidka marka la gaadho maalinta loo dareerayo doorashada ee 26 June.oo ku beegan todobaadka fooda inagu soo haya.

 

Guddoomiyaha komishanku  waxa uu  sheegay sida uu dhigayo Xeerka doorashooyinka ee Xeer. Lr 20 in xayiraad la saaray dhammaan isu-socodka gaadiidka laga bilaabo lixda subaxnimo ( 6 ) illaa inta laga gaadhayo siddeeda (8) fiidnimo ee habeenkii..

 

Digreetada komishanku ku sheegayaan xayiraada gaadiidka waxay  ku socodsiiyey Taliyaha Bilayska Somaliland, Ha’yadaha Warbaahinta ee Somaliland iyo Wasaaradda  Arrimaha Gudaha.

 

 

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 

Araweelonews Hargeysa Office                  

E-mail; Info@araweelonews.com/ jaamac132@gmail.com/ shalcaw2@hotmail.com

 

 

 

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *