Hargeysa(ANN)Maamilaha Kastanka ugu weyn galbeedka Somaliland ee Kalabaydh ayaa sheegay inuu kor u kacay dakhliga kasoo xerooda kastanka uu madaxda ka yahay ee kalabaydh, kaas oo uu  sheegay inuu heerka dakhligiisu gaadhay 180Mly oo lacagta Somaliland ah, halka

sannadkii hore xiligii Xukuumadda Rayaale ay kasoo xeroon jirtay Kastamka 80Mly oo lacagta Somaliland ah maalintii.
Maamuluha Kastanka ayaa sidaa ka sheegay mar uu warbixin siinayay todobaadkan wefdi kormeer ku maraya galbeedka Somaliland oo uu hogaaminayo Guddoomiye xigeenka koowaad ee gollaha wakiiladda Somaliland Sh. C/casiis Maamulaha Kastamka Kalabaydh, Cabdiraxmaan Ismaaciil Xuseen (Cabdiraxmaan Cirro),  ayaa sheegay in ay kor u qaadeen dakhli cashuureedka kastamkaasi. “Waxa maalin kasta Kastamka Kalabaydh ee aanu joognaa uu soo xareeyaa boqol iyo siddeetan malyan oo Shilin (180 malyan), waxa aanu ku rajo weynahay in Gugan fooda inagu soo haya haddii Alle yidhaahdo, in aanu kor u sii qaadno dakhli maalmeedka Kastamka soo gala, waxaanu  filaynaa in  aanu gaadhsiino illaa 250 malyan oo shilin maalintii,
Sidoo kale  Maamulaha Kastamka Kalabaydh, Cabdiraxmaan Ismaaciil Xuseen (Cabdiraxmaan Cirro), , waxa uu sheegay  in bishii January  ee sannadkii 2009-kii, xilligaas oo ay xilka haysay xukuumadii hore uu Kastamku soo saari jiray  lacag aad u yar, isaga oo arrintaa  ka hadlayayna wuxuu yidhi, “Bishan January  bisheedii sannadkii  2009-kii waxa Kastamka Kalabaydh uu maalintii soo xarayn jiray dakhli aad uga  yar kan hadda kasoo baxa, waxa uu dakhli maalmeedku ahaa xilligaas 80- malyan oo shilin illaa 85 malyan oo shilin.”
Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Golaha Wakiilada Mudane Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa  hawlwadeenada Kastamka Kalabaydh uga mahad celiyay  sida ay kor u qaadeen dakhliga iyo cashuuraha, waxaanu u soo jeediyay inay u sii shaqeeyaan nidaamkaa hufan,  isla markaana ay iska ilaaliyaan in hantida iyo cashuuraha ummada laga qaado lagu tagri-falo.

Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Golaha Wakiilada Mudane Cabdicasiis Maxamed Samaale oo horkacayay wefti ay xubno ka ahaayeen  toddoba xubnood oo ka tirsan Golaha Wasiirradda iyo Saraakiil sar-sare  ka tirsan xukuumadda, kuwaas  oo kormeer kusoo maray degmooyinka deegaanka Gabiley iyo meelo kale oo  galbeedka Somaliland ah.
Kastamka Kalabaydh  xilligii uu socday olalihii doorashada madaxtooyada ee dalka ka qabsoontay  26-kii bishii Juun ee kal hore wuxuu ahaa halbawlaha dhaqaalle ee lagu  waday  olalihii xisbigii UDUB ee xukuumadii Rayaale, wuxuuna dakhliga kasoo baxaa mari jiray wadiiqooyin leexsan, balse tan iyo markii ay Xukuumadda cusub la wareegtay xukunka wuxuu dakhliga ilaha dhaqaalle ee dalku noqday mid kor u kac weyni ku yimi, iyadoo ay lacagaha kasoo xerooda goobaha dakhligu ku laba jibaarmeen  dakhliga kasoo xeroon jiray xiligii xukuumaddii hore.
Sida uu qiray Maamulaha kastamka kalabaydh oo sheegay in halkii uu kal hore bishan oo kale ahaa dakhligu 80Mly oo Somaliland shilling ah uu hada yahay 180Mly oo Somaliland shiling  ah.
Hase yeeshee marka la eego dakhliga Kastamka Kalabaydh oo ka mid ah Kastamada ugu waaweyn dalka ayaa noqonaya mid ay is khilaafsan yihiin dakhliga Kastanka Abaariso oo isagu ah mid kaantaroolla inata baddan badeecadaha aan soo marin kastamka kalabaydh, iyadoo dakhliga kastamka Abaariso lixdii maalmood ee u danbeeyay noqday mid kor u dhaafay dakhliga Kastamka weyn ee Kalabaydh. Sida ay sheegayaan xoggo ay heshay shebekadda Araweelonews oo sheegaya dakhliga kasoo xerooday Kastamka Abaariso, taas oo si weyn u khilaafsan dakhliga Kastamka weyn ee kalabaydh oo u muuqda mid ka hoos maray dakhilaga kastamka Abaariso, halkii uu ka baddan lahaa dakhliga  kasoo baxaa.  Waxaana jira xoggo sheegaya inay jiraan Kooxo dadka deegaanka ah oo carqaladaynaya maamulka cusub ee Kastanka Kalabaydh si uu dakhligiisu u yaraado, isla markaana loo bedelo maamulka.
Waxayna Lixdii maalmood ee u horeeyay bishan January 2011, dakhiliga uu qabtay kastamka Abaariso noqday sidan;-
1january. 149, 55039.   s/l sh.
2- January. 167, 102,606. s/l sh.
3-January. 172, 183921.   S/l sh.
4-january.  174, 172, 387 s/l sh.
5-january. 179, 404,995.   s/l sh.
6-january. 182, 239, 334. s/l sh.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *