taliye xigeenHargeysa(Araweelo News network)Taliye ku xigeenka lanta socdalka somaliland Maxamed Saleeban Xasan (Sablaale) ayaa ka dayriyay Xaaladda Nololeed ee ay ku sugan yihiin

dhalinyaro  Somaliland  u dhashay oo ah  tahriibayaal, kuwaas oo ku teedsan xuduuda dalalka  Ethiopia,  Suudaan  iyo Libiya, isagoo dhinaca kalena xusay in  Tahriibta dhalinayaraddu kor u kacday.

 

Taliye Xigeenka Laanta Socdaalka oo maanta xafiiskiisa kula hadlay warbaahinta, waxa uu hay’addaha  dawlada ee ku shaqadale ku eedeeyay  in aanay qaadin talaabo lagu joo jin karo, wuxuuna arrinta Tahriibta Dhalinyaradda  isagoo   xusay   in Tahriibtu tahay Aafo qaran oo u baahan gurmad deg-dega iyo inay gacan ka geystaan Hay’addaha ku shaqadda leh iyo dhamaan qaybaha kala duwan ee Bulshadu.

Taliye Xigeenka Laanta Socdaalka Somaliland Maxamed Saleebaan Xasan (Sablaale) oo ka hadlaya arrintaa ayaa yidhi, “Waxa bilaabanay isir guurin,  waxaana lawaayi  doona jiilal badan,  waxa socda hada  20 jir ilaa 18 jir oo rag iyo dumarba leh, kuwaas  oo Ooda goostay,  Hargaysa Burco iyo Boorama, daadsan yihiin Adis ababa, Soodaan  ilaa saxaraha Liibiya, runtii  ciidanka tahriibta qabqabtay ee dadkii ka shaqaynayay qabtay ee xidh xidhay waa Laanta Socdaalka. Laakiin garb waanu ka waynay wasaaradaha iyo Hay’addaha kale eek u shaqada leh.”   Ayuu yidhi Taliye xigeenku.

Dhawaaqa Taliye xigeenka Laanta Socdaalka Somaliland ayaa kusoo beegmay kadib markii laba maalmood ka hor warbaahinta Somaliland qortay in dhalinyaro Tahriibayay gaadhi kula dhacay xadka u dhexeeya Liibiya iyo soodaan, taas oo sababtay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah.

Dhinaca kale Daraasad ay samaysay Laanta socdaalka dalka Talyaaniga  sanadkii ina dhafay ee 2012,  ayaa  sheegtay in dalkeeda ay galeen 1.5mly  Tahriibayaal ah, kuwaas oo ka talaabay xadka dhinaca Badda ee u dhexeeya dalka Talyaaniga iyo Liibiya, isla markaana ka yimi wadamada Bariga Afrika.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in la filayo in tirada sanadkan 2013 Tahriibayaasha ka talaabaya Badda u dhaxaysa Liibiya iyo Dalka Talyaanigu ka bataan tirada sanadkii hore oo ay Xeebaha dalka Talyaaniga gaadhaan tiro intaa ka badan, taas oo warbixintu ku sababaysay  Tahriibayasha oo cararaya colaado ka aloosan dalalka ay kasoo jeedaan iyo kuwo ay shaqo la’aan baahsan oo ka taagan dalalka ay ka yimaadeen am aka imanayaan ka jirta, balse aanay Tahriibayaasha oo nafohooda ku biimaynaya halistaa aanay ka war qabin halka ay ku danbayn doonto Noloshoodu.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *