Hargeysa(ANN)Shirkadda AL-NUUR Furniture oo ah shirkad caan ka noqotay Somaliland, isla markaana keenta Aagabka Guryaha, Xafiisyada , Go’gosha, Hurdada, iyo gebi ahaanba  waxyaabaha loo isticmaalo Hoyga ayaa  shaacisay markii ugu horreysay fursado qiime-dhimis ah oo la xidhiidha

adeegyada qalanka ay iibiso.
Al-Nuuur Furniture oo adeegyada waxyaabaha ay iibiso kusoo bandhigtay Carwada Ganacsiga Somaliland ee ka socota Hotel Maansoor, ayaa si weyn uga dhexmuuqatay mudadii ay socotay bandhiga carwada ee ay Shirkadaha ganacsigu kusoo bandhigeen wax soo saarkooda iyo adeegyada ganacsi ee ay u qabtaan Bulshada Somaliland.
Mulkiilaha shirkadda ALNUUR Furniture Mr. Cabdiraxmaan Maxamed Nuur oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in cid kasta oo iska diiwaangelisa madasha ay carwadu ka socotaa heli doonto qiimo dhimis aad u weyn oo socon doonta lix bilood, taas oo uu ku tilmaamay mid fursad weyn ah oo ay ka faa’idaysan doonaan bulshadu.


Gudoomoyaha Shirkadda ALNUUR Furniture waxa uu sheegay inay  bulshada u ballanqaadday  shirkadda inay macaammiishooda u samayso qiime-dhimis ballaadhan oo sii socon doonto muddo lix bilood ah (Illaa bisha June ee 2012).
Sidoo kale waxa uu xusay inay sannad kasta qaban doonaan bakhtiyaa-nasiib ay abaal marinno ku bixinayaan, iyada oo la diiwaangelin doono qof kasta oo shirkadda wax ka iibsada, lana siin doono qoraallo damaanadqaad u ah. Mulkiiluhu waxa uu sheegay inay sidan u yeeleen si ay u dhiirrigelinayaan macaamiishooda iyo cid kasta oo macaammiil ku soo xidhaba.
Dadweynaha soo booqanaya goobta ay carwadu ka socoto ee Maansoor ayaa si gaar ah u soo dhoweeyay qiime-dhimista ballaadhan ee shirkadda AL- NUUR Furniture hirgelisay iyo muddada dheeraadka ah ee ay shirkaddu samaysay, iyada oo ay dadweyne badani durba isku diiwaangeliyeen macmiilnimada shirkadda.
Ugu dambaynna, Mulkiilaha Shirkaddu waxa uu dadweynaha u ballanqaadday inay  sidii ay horeba uga barteen ay mar walba keeni doonaan qalab cusub oo casri ah, isla markaana tayo leh,  iyagoo ahmiyada siinaya sidii ay u raaligelin lahaayeen macaamiisha shirkadda.


Shirkadda AL-Nuur  Furniture oo sanadii u danbeeyay  si weyn u talaabsatay, isla markaana isku balaadhisay Geeska Afrika ayaa    keenta qalabka Guryaha iyo Aagabka Guryaha,  Xafiisyada  Go’gosha, Hurdada  iyo dhamaan  waxyaabaha loo adeegsado  ee aan looga maarin nolosha gurayaha iyo adeegyada xafiisyada la hoos dhigo. Waxayna Al-Nuur waxqadkeeda iyo  ganacsigeeda  oo  ah mid muqaalo iyo bilic weyn leh.  Kusoo bandhigeen Carwadaa, taas oo Al-Nuur si weyn uga dhexmuuqatay.
Shirkadda ALNUUR waa shirkadda ugu weyn ee ka ganacsata agabka xafiisyada, guryaha iyo guud ahaanba Furnuture-ka oo xarunteeda ugu weyni ku taalo somaliland, balse ku fiday geeska Afrika. iyada oo wada-shaqaynna la leh shirkado badan oo Caalami ah, isla markaasna dalka ku iibisa agab casri oo tayadiisu sarrayso. Sidoo kale Al-Nuur kuma koobna inay dadka wax ka iibiso oo keliya, balse waxay door muhiim ah sanadii u danbeeyay ka qaadanaysay  oo ay  kaalin mug leh kaga jirtay taageerada bulshada jilicsan (sida agoomaha), taabbagelinta horumarka dhaqaale ee dalka iyo horumarinta adeegyada aasaasiga ah,   iyada oo fursaddan qiime-dhimista ahina u muuqata daryeel kale oo ay shirkaddu u fidisay macaamiisheeda.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *