Hargeysa(ANN)Maamulka Shebekada Araweelonews wuxuu si xushmad leh uga raali gelinayaa akhristayaasha xidhiidhka tooska ah la leh, macaamiisha iyo kuwa kusoo biiraya maalin walaba ee ka mid noqonaya akhristayaasha dacalada dunida kala jooga
cilad dhinaca farsamada ah oo sababtay inay suurta gal noqon weydo inay booqdaan si ay ula socdaan dhacdooyinka iyo wararka looga bartay, balse maamulka Araweelonews ku guulaystay inay hawada kusoo celiyaan waqti kooban, isla markaana gudbinta iyo baahinta wararka iyo dhacdooyinka xaqiiqda ah ee looga bartay halkoodii kasii soconayaan .Mar labaad waxaanu ka raali gelinaynaa akhristayaasha boggan internet-ka ee Araweelonews ciladaa oo ahayd sababo dhinaca farsmada ah, taas oo keentay inay waayaan adeegii dhinaca wararka iyo dhacdooyinka. Anagoo uga mahadcelinayna cid kasta oo gacan ka geystay xalinta ciladaa.
Maamulka Shebekada Araweelonews.com