Hargeasysa(ANN)Mudaneyaasha Golaha Guurtida Somaliland, ayaa dood ka yeeshay xaaladda nabadgelyada dalka, waxay ku dhaliileen shirarka beelaha beryahan ka soo cusboonaaday dalka iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Dr. Maxamed Cabdi Gabboose oo ay ku eedeeyeen inuu ka

 

dhegaha ka furaystay  dhawaaqyo  yeedhmo ah oo goluha guurtidu dhawr goor kaga dalbaday inuu horyimaado si ay wax uga weydiiyaan xaalada nabadgelyo ee dalka.
Fadhigii shalay ee Golaha ayaa qaar ka mid ah mudanayaasha goluhu waxay shirgudoonkooda ugu baaqeen inuu u yeedho Wasiir Gabboose oo cudur-daar la’aan ka baaqsaday inuu horyimaado golaha muddo sadex jeer ah oo ay dalbadeen.
Xildhibaan Maxamuud Xareed Rooble, ayaa sheegay in xukuumaddu masuul ka tahay ilaalinta iyo sugida amniga qaranka, “Inagu gole ahaan waxaynu ku leenahay in aynu shuruucdeeda dejino taas oo ku saabsan shuruucda diinta, dhaqanka iyo nabadgalyada ku saabsan iyo in aynu xukuumada ka gacan siino arrimaha siyaasada, dhaqaalaha, arrimaha bulshada, difaaca iyo nabadgalyada sida dastuurka ku cad,” ayuu yidhi xildhibaanku.
Md. Xareed waxa uu ku eedeeyay Wasiirka Daakhiliga inaanu Golaha hor iman sadex jeer oo ay ka dalbadeen inuu horyimaado Golaha Guurtida, waxaannu yidhi “Saaka (shalay) waxaynu filaynay oo aanu u soo diyaargarownay in uu Wasiirka Arrimha Guduhu golaha horyimaado, waa markii saddexaad ee loo yeedho ee aanu iman waana qodob disroori ah in aynu u yeedhano cidii aynu u baahano, markaa waxaan leeyahay haddii aanu imanayn shirgudoonoow waa in tallaabada uu leeyahay laga qaadaa.”
“Waxaad moodaa shuruucda loogu baahida badan yahay ee maanta dalka taallaa in ay tahay ta aynu inagu Guurti ahaan u xil-saaran nahay, tusaale ahaan sharciga nabadgayada waddooyinka waynu dhamaystiray ma aqaan meel uu ka baxay haddana waxaan arkayay Golaha Wakiilada oo haysta iyo qolooyin hudheelo siminaaro ku qabaya ayaan arkayay, markaa anigu waxaan leeyahay doorkii gacan siinta xaga sugida nabadgalyada ee goluhu hoos buu u dhacay,” ayuu yidhi Md. Xareed.
Waxa kaloo uu ka digay shirarka beelaha ee beryahan dambe dalka ku soo badanaya, “Baryahan waxa socda shirar docceedyo ka socda bari iyo galbeed waa laga yaabaa in ay reeruhu dano ay iska leeyihiin ku fushanayaan, laakiin waxaad moodaa in uu badan yahay oo aad jaraa’idka subax walba aad ku arkayso taas anigu ma qabo in dadkaasi yihiin qaar nabadgelyada iyo qaranka ku lid ah, laakiin haddii ay sii socdaan oo ay bataan waxay noqonayaan qoys-qoys markaa waa in taxadirkooda way mudan yihiin.”
Xildhibaan Yuusuf Cabdilaahi Cawaale ayaa isaguna ka dayriyey shirarka beelaha oo uu tilmaamay inay saamayn togan ku yeelan karaan dalka, waxaannu yidhi, “Shir-beeleed haddii la qabayo oo wanaag lagu qabayo wax dhibaato ah ma laha laakiin waxaad moodaa baryahan dambe in ay jiraan shirar beeleedyo dadkeenuna waxay u badan yihiin dad wax dhagaysta oo waxa dhici karta in si kale loo fasirto.”
“Waxaan leeyahay wasiirka arrimaha gudaha dhawr jeer baa loo yeedhay, haddii loo yeedhayna dhawrkii jeer muu iman cudurdaar wuu jiri karaa laakiin waxa laga rabaa in ay wasaaraddu soo jawaabto oo golaha u caddaysaa sababta uu wasiirku u iman waayay,” ayuu yidhi Md. Yuusuf.
Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan ayaa isna ku dooday, “Waxaan jecelahay in loo yeedho Wasiirka Arrimaha Gudaha oo nabadgalyada waxa uu ka qabtay iyo siday ka tahay shirarkan badan ee dib inoogu celinaya 1993-kii dawladnimadiina baa’biinaya in la waydiiyo waxa uu ka qabo. Haddaanu nahay guddida nabadgalyada ee Golaha Guurtida waxaannu damacnay inaanu Wasiirka Arrimaha Gudaha u tagno albaadkaanu naga xidhay, waxaan ku celinayaa in Wasiirka loo yeedho oo marka hore la fahansiiyo in aynu nahay gole dastuuri ah, kadibna la waydiiyo wixii uu shacabka u qabtay.”
Mudane Jirde Siciid Maxamed oo isna ka mid ahaa xildhibaannada doodda ka qaybgalay ayaa yidhi, “Waxaan soo jeedinayaa oo ay nabagalyadu ku horumari kartaa in gudaha iyo kaantaroolada magaalooyinka laga soo galayo aad loo adkeeyo nabadgalyadooda oo lala socdo huteellada habeenkii la seexdo, xukuumadduna waa xukumad cusub oo muddo yar bay xilka haysay, doorka aynu gole ahaan ku leenahay-na waa wacyigelin sidii golahu waligiiba ahaan jiray doorkii uu ku lahaa arrimaha nabad-galyada la soo celiyo oo uu shirgudoonku ka hawl galo.”
Sidoo kale, Xildhibaan Farxaan Ciise Ubaxle ayaa isagu tilmaamay in aan golahooda la siin doorka ay ku leeyihiin nabadgelyada,
“Maalintii dhawayd ee loo baxayay bari laba nin oo guurtida ka tirsan ayaa dibada looga yeedhay shirgudoonkana lama soo waydiisan, labadii xubnoodna may tagin ee way ka baaqdeen, maadaama oo aan shir-gudoonkii iyo golihii aan la soo waydiisan, markaa waxaan leeyahay innagoo ka duulayna dastuurka iyo goluhu siduu ahaan jiray waa in la baadi doonaa hawshii uu golaha guurtidu lahaan jiray. Waxa maanta ka jira dhamaan xaafadaha magaalada Hargaysa guddiyo nabadgelyo markaa waa in aynaan wasiirba u marine ee aynu si toos ah ula kulano guddiyadaas,” ayuu yidhi Md. Ubaxle.
Waxa kaloo dooddaas ka qaybgalay xildhibaannada kala ah Sheekh Cumar Sh. Furre, Axmed Dirir Cali iyo Sahal Iidle Dirir, kuwaas oo dhammaantood soo jeediyey in doorka Golaha Guurtidu ku leeyahay nabadgelyada noqdo mid muuqda oo dib loo soo celiyo

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *