Hargeysa(ANN)Suldaanka guud ee Beesha Seyla Bari (Ayuub) Suldaan Daahir Suldaan Aamin Suldaan Faarax ayaa raaligelin ka bixiyay baaqyo dhowaan kusoo baxay wargeysyada kasoo baxa magaalada Hargeysa oo lagu dhaleecaynayay Madaxweynaha Somaliland

 Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo xukuumadiisa cusub.
Qoraal saxaafada loo qaybiyay oo uu ku saxeexan yahay Suldaanka guud ee Beesha  Seyla Barri(Ayuub), kaas  oo u qornaa sidan;-
 “Waxaan jecelahay in aan aan u mahadnaqo warbaahinta qiimaha leh ee ummada gaadhsiisa wararka kala duwan Aniga oo ah suldaanka guud ee Beesha Seyla Barri (Ayuub),Waxaan halkan ku cadaynayaa in baaqyadii beeshu ay soo saartay ee xambaarsanaa hanjabaada iyo naxliga kala dilaaya dadka reer somaliland in ay ahaayeen kuwo si khaldan usoo baxay, kuwaas oo aan raali gelin ka Suldaan bixinayo. Anigoo ka raaligelinaya Madaxweynaha Somaliland iyo Ummadaba, iyadoo  aan halkan ku  cadaynayo in anaga iyo dawladu aanu dhamaysan doono wixii tabashooyin ah ee naga  maqan, taas oo aanu u marayno dariiqa nabadgeliyad ah ee reer somaliland kusoo caano maaleen,  balse aanan u marayn dagaal iyo hanjabaad.
Sidaa daraadeed waxaan halkan uga sheegayaa kadib markii aanu wada tashi dheer samaynay dibad iyo gudaba waxaanu go’aansanay in wixii beesha ka maqan lagu doono hab nabadgeliyo ah oo aan lagu doonin hab xamaabaarsan dhiilo iyo hanjabaad,  waxaana Madaxweynha iyo umadda  somalilanba ka raali gelinayaa mar labaad weedhahaa oo ahaa kuwo ka dhashay tabashooyin. Sidaa awgeed waxaan ka  codsanyaa Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxauud(Siilaanyo) in la dhameeyo tabashada beeshayda si waafaqsan xeerka ummad u yaala,  waxaa kale oon aan halkan ku cadaynayaa in baaqyada hore ay ahaayeen kuwo dhalinyara xanaaqsani qortay oo aan ka raali gelinayo dadwynaha reer somaliland ee ay dhegohooda ku dhacaday iyo Madaxweynahaba ,  isla markaana waxaan u sheegayaa dadka ka faa’iidaysanaya baaqyadaa in aanay  dib u dhici doonin,  wixii hada ka danbeeyana  raali la kala ahaado,  laguna kalsoonaado wixii madaxda  dawlada , siyaasiyiinta Beesha iyo madax dhaqameedku isla gartaan.
Hadaba aniga oo tixgelinayaa fadhiyadii iyo dood wadaagii qurba jooga Beesha oo ay aad u jeclaysteen in lagu dhameeyo wixii jira wada hadal iyo is afgarad oo aan baaqyo danbe la soo saarin oo naxli xambaarsan, waxaan halkan uga mahad celinayaa Ex – Mp Cabdi Daahir Camuud (Cabdi Dheere) oo si wanaagsan ugu garwaaqsiiyay  madax dhaqameedka iyo dhalinyaradaba xalinta arrintaa.
waxaa kale oo aanu jecelahay inaan u sheego ummada in dawladan hada jirta aanu taageersanahay,  isla markaana codkayagii iyo xoogayagii ku jiro oo aanaan marna u quudhayn xumaan iyo hanjabaad toona.   Sidaa  awgeed waxaan codsanayaa in dawladuna u dhega  nuglaato cabashada Beesha oo ay  soo dhamayso wixii tabashooyin ah ee jira.
Anigoo xusuusinaya cid kasta oo kale in Qofka  dawadlada u shaqeeya oo meel loo bedelayo,  ama laga bedelayo aanay khusayn Beel iyo Reertoona,  isla markaana ay tahay wax dawladu u madaxbanaan tahay bedelka iyo xilka qaadista intaba,  balse  beeshaydu cabasho ka muujinayso kali ah (Golihii fulinta) ee aanan ka hadhin ilaa iyo intii dawlada somaliland lagu dhawaaqay oo maanta aanu ka maqanahay  waana  halkaa halka aanu cabashada ka muujinaynaa. Anigoo ku kalsoon in Madaxweynaha Somaliland  dhegaysan doono cashadayada oo uu ka garaabi doono.
Suldaanka guud ee Beesha Seyla Bari (Ayuub) Suldaan Daahir suldaan Aamin Suldaan Faarax.”

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *