faysal1Hargeysa(Araweelo News Network) Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee UCID Faysal Cali Waraabe iyo Musharaxa xisbigaa Jamaal Cali Xuseen ayaa taageeray barnaamij laga baahiyay

Telefishanka Universal oo xanbaarsanaa muuqaalo iyo ereyo gef iyo meelkadhac ku ah qaranimada Somaliland, kaas oo Universal sheegay in ujeedadiisu tahay sidii cuqdada looga saari lahaa bulshada, isla markaana lagu midayn lahaa ummada Soomaaliyeed.
Xukuumadda Somaliland ayaa jawaab deg-deg ah ka bixisay Barnaamijkaa, waxayna ruqsadii kala noqotay Telefishanka Universal, balse gudoomiyaha UCID, Fayal Cali Waraabe iyo musharaxa xisbigaa Jamaal Cali Xuseen ayaa ku tilmaamay tallaabada ay xukuumadda Somaliland ka qaaday Universal mid lagu cabudhinayo saxaafada, iyagoo ku garsiiyay Telefishanka Universal inuu wato Barnaamijkaa gefka iyo meel kadhaca ku ah qaranimada Somaliland, isla markaana u ololaynaya midnimada Soomaaliweyn.
Eng. Faysal Cali waraabe, waxa uu sheegay in aan loo baahnayn in ruqsada laga qaado Universal, balse ay ahayd in Telefishanka Qaranka Somaliland laga qaado, kaas oo uu sheegay in uu ka shaqeeyo sidii mucaaradka loo dhaliili lahaa. Sidoo kale Jamaal Cali Xuseen ayaa si kulul u weeraray Telefishanka qaranka, isagoo  dhinaca kalena canbaareeyay Telefishanka qaranka.

info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *