Burco(ANN)Xulka Gobolka Togdheer oo haystay horyaalka koobka ciyaaraha gobolada ee dalka ayaa maanta ka hadhay tartanka ciyaaraha gobolada ee ay marti gelinayaan ka dib markii xulka gobolka Hawd oo ku cusub tartankani

ay 4-1 kaga badiyeen ee ay Af-ka ciida u dareen.
Ciyaartan oo labada kooxoodba u ahayd ciyaartii sadexaad waxay ku bilaabantay ciyaar adag, waxase xulka gobolka Togdheer ka muuqatay isku xidhnaan la’aan, taasi oo sababtay in qeybtii hore ee ciyaartu ay ku dhammaatay laba gool iyo eber ay ku hoggaaminayay xulka gobolka Hawd, waxaana u kala dhaliyay Haybe Maxamed oo sitay lambarka 10-aad Keyse Cabdi oo sitay lambarka 19-aad.
Ciyaarta markii la iskugu soo noqday qeybtii labaad waxa xulka Gobolka Hawd la yimaadeen Goolkii sadexaad oo uu u saxeexay Haybe Maxamed oo sitay lambarka 10-aad.
Wax yar ka dibna waxa goolkii afraad raacsaday Ciyaaryahanka magaciisu yahay Khaalid Diiga oo sitay lambarka 13-aad, halka goolka madiga ah ee xulka gobolka Togdheer uu dhaliyay Maxamed Axmed Dhiko .
Wax rabashado ahi kamay dhicin ciyaartan marka laga reebo dhagxaan yar yar oo qaar ka mid ah taageereyaasha Tog-dheer ay ku soo tuurtuurayeen gool haya xulka Hawd dhamaadkii ciyaartaa.
Labadan xul waxay ku wada jireen group A ama qeybta koowaad. Waxaanay xulka Hawd leeyihiin 6 dhibcood, iyadoo sadexdii ciyaarood ee ay yeesheen ay laba ka mid ah badiyeen, halka ciyaartoodii labaadna laga badiyay oo ay Hargeysa laba iyo eber ku jiidhay.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *