Berbera(ANN) Dab ayaa caawa cawayskii ka kacay Dekedda magaalada Berbera oo ay xiligan la ciir ciiray badeecado loogu talo galay munaasibada Ciida ee fooda inagu soo hayso.  Wararka qaar ayaa sheegaya inuu jiro khasaare soo gaadhay badeecado halkaa yaalay. Hase yeeshee dabkaa oo ka kacay  mid ka mid ah

 

bakhaarada lagu rogo badeecadaha Bagaashka ayaan wax khasaare ah geysan.
Sidaana waxa shebekada wararka ee Araweelonews u xaqiiyay Maareeye xigeenka dekeda  Cumar Abokor Jaamac oo aanu wax ka weydiinay caawa dabkaa ayaa sheegay inuu dabku abaara 8 fiidnimo ka kacay Bakhaarka No. 1, kadib markii xadhig laydh oo dul maraa shoodh dhaliyay. Laakiin ay ku guulaysteen inuu galo dabkaasi bakhaarka iyo badeecadaha yaalay, wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi, “ma jiro wax khasaare ah oo ka dhashay dabkaa xadhig laydh ayuu ahaa oo halkiisii lagu baqtiiyay, waxaana ka hawl galay shaqaalaha aanu dhowaan u tababary ka hortaga dababka iyo masiibooyinka noocan oo kale ah, mana  jiro shay keliya oo waxyeelo soo gaadhay ayuu yidhi Maareeye xigeenka oo shebekada Araweelonews weydiisay inay wax ka jiraan warar sheegaya in badeecado halkaa yaalay dabku gaadhay oo khasaare badani jiro.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *