Muqdisho(ANN) Amiirka Milyan dheerka ah ee Waliid Binu Dalaal Binu C/casiis Al Sucuud ayaa ayaa maanta duhurkii ka degay  gegida diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho.  Amiirka iyo wefdigiisa waxa madaarka kusoo dhoweeyay  masuuliyiin ka tirsan dawladda taagta daran ee Somalia.Wefdiga Amiirka

waxa weheliya safiirka dawladda Somalia ee Sucuudiga iyo ku xigeenkiisa arrimaha dhaqaallaha Cali Xaaji Maxamuud, waxaana booqashada Amiirku la xidhiidha sida ay shebekada Araweelonews u xaqiijiyeen qaar ka mid ah xubnaha wefdiga soo dhoweeyay laba qaybood oo ah sidii uu caawimo wax ku ool ah uga geysan lahaa xaalada macaluusha ee ka jirta halkaa iyo sidii uu maalgashi ugu samayn lahaa Somalia.
Dhowaan ayay masuuliyiin ka tirsan dawladaha waaweyn sida Turkiga iyo Iran booqasho ku tageen halkaa iyagoo indhohooda kusoo arkay xaalada, isla markaana taageero bini aaadanimo oo muuqata geeyay. Laakiin Amiir Dalaal ayaa noqonaya Amiirkii  u horeeyay  ee dhinaca boqortooyada carabta oo gaadha Muqdisho, isla markaana  waxa la saadaalinayaa inay Booqashada  Amiirku ku dhiiriso inay qaar ka mid ah madaxda carabtu maalmaha soo socda booqdaan magaalada Muqdisho si ay xaalada indhohooda ugu soo arkaan, isla markaana kaalmo muuqata uga geysataan.


Amiir Waliid  Dalal Ibnu C/casiis oo inta badan kulamo la yeesha Madaxda Aduunka, isla markaana aan xiisayn inuu qaato khamiisyada lagu yaqaan qoyasaska boqoryooyinka carabta, waxa jecelyahay inuu qaato  suudh, isagoo ay weheliso gabadhiisu badiyaa marka uu kulamada la yeelanayo madaxda iyo hogaamiyayaasha reer galbeedka oo uu kulamadooda xiiseeyo,  waxaana xiligan booqashadiisa Muqdisho la socota xaaskiisa iyo xubno kale oo qoyska boqortooyada ka mid ah. wuxuuna  ahaa Maal qabeenkii caawimada u fidiyay dawlada maraykanka qaraxyadii 11 Sep,laakiin lacagta uu ku caaiyay oo ahayd 10 milyan oo dollar waxa ku gacansaydhay Maaraykii xilgaa ee New York Rudy Giuliani, taas oo ka cadhaysiisay Amiirka, isla markaana uu weji gabax kala kulmay. 
Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *