Hargeysa(ANN)Tartan adag oo siyaasadeed ka dhex socda xildhibaanada golaha deegaanka Degmada Caynaba. kadib markii laga soo gudbay tartankii ololaha doorashada golayaasha deegaanka ee dalka, isla markaana la galay tartankii labaad oo lagu loolamayo
xilalka Maayarka iyo Maayar xigeenka.xildhibaanadii ururka Rays uga soo baxay magaalada Caynaba oo ahaa Afar xubnood ayaa xilka Maayarka usoo sharaxay ugu horayba xildhibaan lagu magcaabo Axmed Qani, balse waxa uu ugu danbayntii ka tanaasulay tartankaa, kuwaas oo gaarkooda isu taagay.
Hase yeeshee laba xildhibaan oo ka soo baxay xisbiga xukuumadda ee kulmiye oo kala ah Xasan Yuusuf Aadan (Dhabaase) iyo Faysal Axmed Jaamac (faysal sanweyne) ayaa iyagu hada isugu soo hadhay tartanka, kuwaas oo loolan adag mid walba dhiniciisa ugu jiro Maayarka Degmada Caynaba.
Waxa jira xoggo la xidhiidha kaanbaynka labadaa xildhibaan u dhexeeya oo sheegaya in murashaxa ugu awooda iyo taageerada badan ee loo saadaalinayo inuu hanto kursiga Maayarka Degmada Caynaba uu noqdo Faysal Sanweyne oo haysta aqlabiyada xubnaha golaha deegaanka cusub ee Caynaba, balse Musharaxa kale ee lagu magcaabo Xasan Dhabaase, ayaa sida ay xoggahaasi sheegayaan dhiniciisa kaanbayn adag iyo loolan siyaasadeed oo uu doonayo inuu ku helo aqlabiyada xubnaha golaha deegaanka degmada Caynaba wado.
Loolanka xildhibaanada Caynaba ayaa socda iyadoo aan ilaa hada la dhaarin xildhibaanada cusub ee soo baxay, kuwaas oo iyadoo aan weli la dhamayn sharciyadooda iyo dhaarta ku waajibtay usii hanqal taagaya xilka hogaaminta golaha, isla markaana uu u muuqdo keliya kursiga maayarnimo.
Si kastaba ha ahaatee waxa la filayaa sida ay wararka ka imanaya degmada Caynaba sheegayaan in maalinta beri ah kitaabka gacanta loo saaro, waxayna dhaqdhaqaaqyada loolanka kaanbaynka ee ka socda xubnaha golaha deegaanka Caynaba bilaabeen ka hor intii aan la dhaarin, iyadoo la filayay in loolanka Maayarka iyo ku xigeenku bilaabmaan dhaarinta xildhibaanada kadib.
Laakiin tartanka lasoo qadimay ee xildhibaanada golaha deegaanka Caynaba iyo loolanka adag ee u dhexeeya ayaa sababay in kursiga Maayarnimo iyo xildhibaanada heerka kala iibsigoodu sida ciyaartoyda dunida suuq yeesho, taas oo sababtay in xildhibaan kasta codka laga doonayo halkii mudane qiimihiisu gaadho in lagu baayaco lacag gaadhaysa 10,000$