Ceel-afweyn(ANN) Boqolaal dadweynaha Magaalada Ceel-afweyn , ayaa Jimcihii maanta isugu soo baxay dariiqyada, magaaladaa, kuwaas oo dalbanayay in xorriyadiiisa loo soo celiyo Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buur-madaw) oo xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo xabsiga u

 

taxaabtay. Kadib markii  uu todobaadkii hore kasoo laabtay dalka Imaraadka Carabta oo uu mudooyinkii danbe ku noollaa.
Mudaharaadka isu soo baxa oo ay ka qayb galeen madax-dhaqameed, Cuqaal, Culimaa’udiin, dhalinyaro, Haween iyo dhamaan qaybaha bulshada Ceel-Afweyn, waxay kaga dalbadeen Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo inay ixtiraamto sharuucda dalka, xoriyada hadalka, xaqa muwaadinka iyo dadka birmageydada ah.  sida noo xaqiijiyeen dad kala duwan oo ku sugan deegaanka, waxay Dadkaasi socod kusoo mareen magaaladda gudeheeda, iyadoo markii danbena ay waayeelka iyo culimadu kala hadleen dadka fagaaraha. “waxaanu Madaxweynaha ugu baaqaynaa inuu ixtiraamo sharafta iyo karaamada Boqor Cismaan oo ah Nin nabadeed, madaxweyne waxad naga mudantahay ixtiraam, waxa tahay madaxweynahayagii, waxaanu jecelahay inaad dhegaysato baaqayaga oo aad boqorka usoo celiso xoriyadiisii. Haddii aan sharciga la ixtiraamin iyo sharafta qofka adiguna  Madaxweyne ahaanmaysid.” Ayuu yidhi mid ka mid ahaa Odayaasha iyo culimada ka hadlay halkaa.


Mudaharaadkan ayaa daba socday mudaharaad ujeedadiisu ahayd canbaarayn loo jeediyay xukuumadda Somaliland oo shalay ka dhacay Magaaladda Ceel-Afweyn, kaas oo aan u habaysnayn sida kan maanta ka dhacay magaaladaa oo ahaa mid balaadhan, isla markaana si nabadgelyo ah u dhacay.
Sidoo kale Qaar baddan oo ka kid ah Odayaasha waxgaradka, aqoonayahanka  iyo culimada deegaanka caynaba, ayaa maanta baaq canbaarayn ah oo ay kaga soo horjeedaan xadhiga Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buur-madaw ka sameeyay, kuwaas oo ugu baaqay Madaxweyne Siilaanyo inuu xoriyadiisa usoo celiyo.  Mudaharaadyo iyo baaqyo kale oo lagu canbaaraynayo xadhiga Boqor Buur-madaw ayaa la filayaa inay ka dhacaan deegaamo iyo magaalooyin kale, iyadoo ay jiraan warar sheegaya inay Banaanbaxyo lagu canbaaraynayo xadhiga Boqor Buur-madaw  iyo baaqyo kasoo baxaan maalmaha iyo saacadaha fooda inagu soo haya magaalooyinka Ceergaabo, Burco Boorama iyo deegaamo kale, kuwaas oo daba socda dhawaaqyo ay siyaasiyiin iyo madax-dhaqameedka Somaliland qaarkood hore ugu canbaareeyeen xadhiga Buur-madaw.
Dhinaca kale Boqor Cismaan Aw Maxamuud oo sanadkii tegey 2012, lagu xidhay dalka Imaraadka carabta, isagoo kasoo laabtay xiliggaa gudashada Xajka, balse la sii daayay. Kadib markii ay dawlado waaweyn oo aduunka ah,  kuwo afrikaan ah, Hay’addaha xuuquqda  Aadamaha  u dooda iyo dad caan ahi u hadleen, waxayna xukuumadda Somaliland u taxaabtay xabsiga Khamiistii todobaadkii hore 15 March, 2012, isagoo kasoo degey Madaarka Hargeysa, iyadoo mudo toban maalmood ah uu ku xidhanyahay xarunta CID, isla markaana aan weli  maxkamad ah la horgeyn.
Xadhiga Boqor Cismaan waxay dad baddan oo dhaleeceeyay ku sifeeyeen mid aargudasho siyaasadeed ah oo uu u xidhanyahay oo keliya fekerkiisa, balse aanu jirin denbi uu ka galay qaranka iyo cid gaara toona. Hase yeeshee waxa jira warar sheegaya inay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo xadhiga Boqor Buur-madaw marka laga yimaado dhaleecaynta gudaga dalka, ay debeda kaga socdaan cadaadis iyo canaan kaga imanay Madaxweyne Siilaanyo qaar ka mid ah dawladaha waaweyn ee aduunka iyo Hay’addo caalami ah, kuwaas  oo Boqor Buur-madaw u aqooonsan inuu yahay hogaamiye nabadeed dhaqan, isla markaana tibaaxaha dhinaca xafiiska madaxweyne Siilaanyo laga helay ayaa sheegaya inay dawladaha Britain iyo maraykanku kala hadleen Madaxweyne Siilaanyo inuu ixtiraamo hogaamiyahaa nabadeed oo xoriyadiisa usoo celiyo, taas oo Madaxweyne Siilaanyo balanqaaday. Balse uu weli xidhanyahay Boqor Buur-madaw, iyadoo aan maxkamad la horgeyn mudo ku dhow laba todobaad.

Somaliland Office   
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *