Fadeexadaha Hordhaca Ah Ee Kasoo Baxay Shaacinta Liiska Musharixiinta Madaxweynaha Somalia , Faallo,By, Carraale M. Jama Free lance Journalist and Human Rights  activist Gudida doorashada Madaxweynaha Somalia ayaa caawa ku dhawaaqay inay araajida usoo gudbiyeen 25 musharax oo u tartamaya doorashada madaxweynaha Somalia, kuwaas oo ay sheegeen inay buuxiyeen shuruudihii laga rabay oo ay ka mid ahaayeen qadar

 

lacageed oo lagu xidhay tartamayaasha iyo weliba in musharax kasta uu soo gudbiyo magacyada 20(labaatan) xildhibaan iyo saxeexooda.
Hase yeeshee dhawaaqa gudida ee liiska musharixiinta 25-ka ah, ayaa soo bandhigay fadeexado mad-madaw oo shaki weyn gelinkara doorashada. kadib markii ay is waafaqi waayeen tirada guud ee xildhibaanada iyo tirada musharixiinta 25-ka ah oo midkii la doonayay 20 xildhibaan, taas oo noqonaysa  500 xildhibaan, iyadoo tirada rasmiga ah mudanayaasha baarlamaanka cusub ahayd  275 marka loo qaybiyo 25 musharax waxa midkii kusoo hagaagaya 11 xildhibaan. sidaa darteed waxay tirooyinka iyo xisaabaha is khilaafsani  muujinayaan oo hordhac u yihiin khiyaamo iyo musuq-maasuq durba debeda usoo baxay ka hor inta aan la gaadhin tartanka.
Tirooyinka is khilaafsan oo iftiiminaya inaay gudidu ka hor inta aanay ku dhawaaqin liiska musharixiinta qiimayn tirada mudanayaasha ay musharixiintu ka sitaan saxeexa iyo magacyada kuwa ay yihiin musharx walba labaatanka xildhibaan ee uu magacyadooda sitaa.
si kastaba ha ahaatee arrintan ayaa durba muujisay fadeexado farta lagu fiiqayay ee ku gadaaman gudida iyo cida maamulaysa hawsha doorashada madaxweynaha Somalia, mana cada inay musharixiintu  sidaa ku gelayaan tartanka iyo inay dib u eegi doonaan gudidu, balse arrintan oo soo baxday iyadoo ay jireen dhaliilo farta lagu fiiqayay oo la xidhiidhay habka doorashada iyo gudida maamulay, ayaa  walaac weyn iyo wejigabax ku abuuray rajadii awalba naxashka saarnayd ee inta yari ka qabtay dhismaha dawlad Somalia loo sameeyo oo si cadaalad iyo dumuqraadiyad ah ku timaada. Laakiin waxaynu eegi doona qaabka ay ku dhamaato hawsha gudida ee maamulay doorashadu maalmaha soo socda.

Faallo By. Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist
E-mail Jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *