Muqdisho(ANN)Gudiga doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa soo bandhigay magacyada xubnahii soo buuxiyay sharuudaha laga doonayay qofka u tartamaya xilka Madaxweynaha Soomaaliya. kadib markii ay maanta dhamaatay mudada kama danbaysta ah ee loo qabtay dadka
danaynaya inay ka qaybgalaan tartanka.
magacyada musharixiinta buuxiyey sharuudaha musharaxnimo, ayaa tiradoodu tahay 25 xubnood, kuwaas oo ay caawa fiidkii shaaciyeen gudiga doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Musharixiinta oo ay ku jiraan masuuliyiin hore Raysal wasaarayaal uga soo noqday Dawladihii loo dhisayay Somalia labaatankii sanadood ee lasoo dhaafay, kuwo xilal kasoo qabtay iyo qaar ku cusub saaxada siyaasada, isla markaana tiradooda rasmiga ahi tahay 25 ayaa kala ah sidan:-
1. Xuseen Khaliif Jaamac
2. Maxamed Axmed Saalax
3. Salaad Cali Jeele
4. Ibraahim Cali Xuseen
5. Saciid Ciise Maxamuud
6. Cismaan Maxamed Gacal
7.Maxamed C/laahi Oomaar
8.Maxamed C/Weli sheikh Yuusuf
9. Maslax Maxamed Siyaad
10. Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi
11. C/raxmaan Baadiyoow
12. C/waaxid Cilmi Goonjeex
13. C/laahi Axmed Cadoow
14. C/weli Maxamed Cali Gaas
15. Maxamed C/laahi Farmaajo
16. Axmed Ismaaciil Samatar
17. Xasan Sheekh Maxamuud
18. Shariif Sheekh Axmed
19. Yuusuf Garaad Cumar
20. Cumar Salaad Cilmi
21. C/raxmaan Maxamed Cabdi Xaashi
22. Bashiir Nuur Bidaar
23. Xaaji Maxamed Yaasiin
24. C/qaadir Cosoble
25. C/raxmaan C/shakuur Warsame.
Shuruudaha laga doonayay dadka u tartamaya xilka madaxtinimada ayaa kala ahaa:
- Inuu Soomaali yahay.
- Inuu caafimaad qabo.
- Inuu afartan sano ka weyn yahay.
- In xukun danbi maxkamadeed aanu lku dhicin
- In codsiga madaxtinimada uu soo gudbiyo.
- Inuu ku soo lifaaqo 10 kun oo Dollar oo diiwaan gelin ah.
- Inuu soo gudbiyo barnaamijkiisa siyaasadeed.
- Inuu heysto warqadda aqoonsiga in uu Soomaali yahay ama baasaboor Soomaali ah.
- In labaatan xildhibaan ay u soo saxiixaan in uu musharax yahay qofka tartamaya.
Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu wadaa in la qabto 10 bishan Sebtember., iyadoo laba maalmood ka horna musharaxwalba baarlamaanka ka sheegayo barnaamijkiisa.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com