Beerta Ceergaabo Oo Doog QariyayCeergaabo(Araweelo News Network) Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Xirsi Xaaji Cali Xasan iyo masuuliyiinta xukuumadda ee ku sugan xarunta Gobolka Sanaag ee

 

Ceergaabo ayaa kulan balaadhan oo qaadhaan loogu ururinayo  dhismaha wadada la yeeshay  dadweynaha magaalada Ceergaabo.

Kulankankaa qaadhaan ururinta oo shalay  lagu qabtay fagaaraha beerta xorriyada ee magaalada Ceerigaabo waxa kale oo ka qaybagalay, Xildhibaannmo, Salaadiin, Odayaal, Ganacsato, maamulka degmada, guddida dhismaha wadada Ceerigaabo iyo dadweyne aad u tiro badan.

Kulankan oo ahaa mid aad u balaadhan ayaa dadweynaha gobolka Sanaag ku yabooheen hanti isugu jirta xoolo nool, Daamur iyo lacag, iyadoo deegaan kasta oo ka mid ah gobolka  Sanaag ku dhawaaqay waxa ay degmadiisa iyo deegaankuba ku deeqeen.

Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali X. Xasan oo ka hadlay fagaarahaa ayaa ku tilmaamay dadka dhaliila waxqabadka xukuumadda qaar fulayaal ah oo kasoo horjeeda horumarka dalka iyo himillada ummadda.

Waxa uu wasiirku xusay inay ka midho-dhaliyaan hirgelinta wadada isku Ceerigaabo iyo Burco oo ay ka go’an tahay. “Caaduu u leeyahay fulaygu inuu dadka khayrka iyo horumarka iska hortaago inuu wax kasta ummadda himiladeeda ah iska hortaago, waa la samaynayaa Insha Allah wadada, kuwa Madaxweynaha ku dhaliilaya ee ku ceebaynaaya ee odhanaya la samayn maayo, shalay markii derajada la qaybinayay la qaybin maayo ayay lahaayeen, waa la qaybiyay, horumarka aad aragteen dhamaantood waxay lahaayeen la samayn, maantana waxaan leeyahay way rumoobaysaa, umaanaan socon olole, waxaanu u soconay inaanu idiin samayno wadada.” ayuu yidhi Wasiirka madaxtooyadu.

Dhinaca kale, waxa uu wasiirka madaxtooyada xadhiga ka jaray furitaanka jaamacada barashada culuumta islaamka ee Golis faraceeda Ceerigaabo iyo dugsiga sare ee Safa oo Madaxweyne Siilaanyo dhismihiisa ka hirgeliyay magaalada Ceerigaabo.

Maayarka degmada Ceerigaabo iyo badhasaabka gobolka Sanaag oo ka hadlay intii kulanka qaadhaan ururinta ahi socday ayaa Madaxweynaha ku bogaadiyay talaabada geesinimada leh ee  ku dhiiraday dhismaha wadada isku xidha Burco iyo Ceerigaabo.

Sidoo kale waxa munaasibada kulankaa ka hadlay xildhibaanno iyo xubno ka mid ah guddida dhismaha magaalada Ceerigaabo, iyagoo dhamaantoood ku dheeraaday sida ay uga go’an tahay ka midho-dhalinta hawsha culus ee dhismaha wadadaa.

Wasiirka wasaaradda gaashaan-dhiga Axmed Xaaji Cali Cadami iyo Wasiiru-dawlaha maaliyadda Cismaan Cabdilaahi Saxardiid oo ka hadlay fagaaraha ayaa iyaguna ku dheeraaday ahmiyada ay wadadu u leeyahay koboca dhaqaale iyo hirumarka iyo sida loogu baahan yahay in shacbiga gobolka Sanaag ay dhismaha wadada uga qayb qaataan muruq iyo maskaxba.

Liiska dadweynaha iyo Ganacsatada Ceergaabo  ee qaadhaanka ugu yaboohay dhismaha jidka ayaa dheer ee xukuumadda iyo shacbigu u tafo xayteen hirgelinteeda waana sidan:-

1-Maxamuud Axmed Liibaan $ 10 ,000
2- Siciid Barre Qooryaa $ 10,000
3- Calale $ 10,000
4- Cabdiqani Ismaaciil X. Nuur $ 10,000
5- Cabdiqaadir Xaaji Faarax Maxamuud $ 10,000
6- Haybe Cali Gadhle $ 10,000
7- Kayse Xasan Xuseen $ 10,000
8- Maxamed Jaamac Bilaal $ 10,000
9- Maxamed Cige Dhoobay $ 10,000
10- Axmed Ibraahim Samatar $ 10,000
11- Deeqa Saxardiid $ 5000
12- Ilhaan Maxamed Jaamac $ 5000
13- Axme Shire Ismaaciil $ 5000
14- Saalax Xaaji Xasan $ 5000
15- Maxamed Afrax $ 5000
16- Ibraahim Axmed Kuutite $ 5000
17- Siciid Saalax Muuse $ 5000
18- Xil. Axmed Ibraahim Laangadhe $ 5000
19- Jaamac Muuse Case $ 5000
20- Rashiid Dawaare $ 10,000
21- Maxamed Xaaji Axmed Ducaale $ 10,000
22- Muuse Maxamed Saalax (Roodhi) $ 5000
23- Jaamac Dhiilood $ 2000
24- Cabdirisaaq Saalax $ 2000
25- Xil. Qamar Maxamed Saalax $ 5000
26- Ismaaciil Yuusuf $ 2000
27- Kayse Axmed Kulu-kuli $ 2000
28- Cabdi Maxamed Ciise $ 2000
29- Xasan Cabdi Wayd $ 1000
30- Sacdiya Aw-muuse $ 10,000
31- Maryan Maxamed Ducaale $ 2000
32- Hodan Maxamuud Maxamed $ 1000
33- Sahra Xaaji Xasan $ 1000
34- Farduus Axmed Gurxan $ 500
35- Nasra Ciise Xasan $ 1000
36- Kaltuun Khaliif Dubbe $ 1000
37- Magool Saalax Xaaji Xasan $ 1000
38- Saynab Maxamed Cabdilaahi $ 500
39- Saynab Jaamac Mxamed $ 500
40- Sahra Xasan Xuseen $ 1000
41- Hodan Gurey Cali $ 1000
42- Aamina Jaamac Xasan $ 500
43- Kiin Saalax $ 500
44- Saynab Maxamed Tallaabo $ 500
45- Maareeyaha Waddooyinka $ 2000
info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *