LoLondon(Araweelo News Network)Maxkamad ku taalla magaalada London ee cariga Ingiriiska ayaa lagu soo gaba-gabeeyay dhageysiga dacwad ay shirkadda ugu weyn xawaaladda

 

ee Dahabshiil  ku dooneyso in Bankiga Barclays ee dalka Britain uu ka noqdo go’aanka uu  hore ugu joojiyay adeegga lacagaha Somalia loo xawilo.

Dacwada ayaa ka danbaysay kadib markii Bankiga Barclays uu dhowaan xidhay gebi ahaanba ac akoonadii xisaabadaaka ee ay ku lahaayen shirkaddaha xaaaladaha Soomaalida, kuwaas dhawr todobaad ka hor uu xidhay dhawr akoon oo baaqi ka ahaa xisaabaadka Soomaalidu ku leedahay, balse shirkadda Dahabshiil oo ah ta ugu weyn ayaa ku gacansaydhay xayirada Banka, waxayna dacwad ku oogtay Bankiga, taas oo sababtay in Bankiga Maxkamad ku taal dalka Britain ku amartay in uu sii dhaqeeyo akoonka Dahabshiil ku leeyhay ilaa inta go’aan laga gaadho dacwad shirkadda Dahabshiil u gudbisay Maxkamadda.

Gebe-gebada dacwadaa ayaa dhamaatay waxaana la filayaa in  ay go’aankeeda ku dhwaaqdo toddobaadka soo socda. Sida laga soo xigtay Garoosraha maxkamadda.

Dhinaca kale shirkadda Dahabshiil ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in shaqadii shirkaddu ay si caadi ah ku sii socon doonto ilaa maxkamaddu ay go’aanka ugu danbeeya soo saarto.

Qareenka u doodaya Dahabshiil, Alan Maclean, ayaa maxkamadda u sheegey in  Barclays haddii ay xidho  xisaabaadka Dahabshil uu jebinayo sharciga tartanka shirkadaha oo baalmarsan go’aanka Bankigu qaatay.

Bankiga Barclays ayaa ku doodaya in go’aankooda ay  xidheen xisaabaadka xawaaladaha Dahabshil uu salka ku hayo iyadoo aanay goobaha ay Dahabshiil u dirto lacagta ka jirin shuruucda iyo hanaanka looga hortagi karo lacagaha sida sharcidarrada ah la isugu diro, balse shirkadda Dahabshiil ayaa ganafka ku dhifatay, waxayna ku dooday in shirkad ahaan ay shaqadeeda ku dabakhdo nidaamka caalamiga ah iyo shuriicda xawaaladaha dunida, sidaa awgeed ay dooda noocaa ah ee Bankigu tahay mid aan macne badan samaynayn.

Dhinaca kale xayiraada bankga ee xawaaladaha Soomalida ayaa si weyn looga qayliyay, iyadoo lagu tilmaamay talaabo dhibaato ah oo galaafanay nolosha malaayiin qof oo afrika ku nool , gaar ahaan Soomaliya, balse dacwada Shirkadda Dahabshiil ku oogtay Bankigaa ayaa si weyn usoo jiidatay indhaha rayal caamka mujtamaca aduunka. Kadib markii warbaahinta aduunku qaadaa dhigtay dacwada u dhaxaysa Dahabshiil oo ah xawaada ugu weyn ee ugu caansan xawaaladaha Soomalida iyo Bankiga Barclays oo ah Bankiyada ugu caansan dunida, waxayna tani si weyn kor ugu qaaday magaca iyo sumcada shirkadda Dahabshiil oo marar hore ku guulaystay abaalmarino Caalami ah.

Gudoomiyaha Shirkadda Dahabshiil C/rahiid Ducaale ayaa dhowaan sheegay in xataa haddii go’aanka Maxkamaddu  oggolaado xadhiga Bankiga in aanay shaqadooda waxba ka bedelay ee ay addeega ay mujtamaca Soomaalida u hayaan halkaa kasii wadayaan.
info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *