Hallo1Hallo-Sheekh(Araweelo News Network) Koox hubaysan oo u badan dhalinyaro ayaa gela-laftay goob laga qoday Ceel Biyood oo ku taal

 

tuullada HALLO  oo qiyaastii 25km dhinaca Galbeed kaga beegan Degmada Sheekh.

Mashruuca lagu fulinayay Ceel Biyoodkaa oo ay bixisay Hay’adda UNICEF, ayaa ahaa mid la doonayay in Ceel Biyood loogu sameeyo deegaankaa oo ka mid ah meelaha ay inta badan ka jiraan biyo la’aantu, balse gebi ahaanba hirgelinta mashruucaa fashilmay. Kadib markii koox dhalinyaro u badan dadka deegaanka oo qaarkood hubaysan yihiin weerar ku qaadeen goobta laga waday Ceelka, kuwaas oo goor habeenimo saqdhexe dab qabadsiiyay qalabkii yaalay goobta ee la doonayay in lagu sameeyo Ceel biyoodkaa.

Sida uu shebekaddaha mataanaha ah ee Arraweelo.com iyo Araweelonews.com u xaqiijiyay Saleebaan Faarax Jaamac oo ah Haydh-tuulllaha HALLO.

“Goor Habeen ah 22 Sep 2013, ayay ahayd, waxa nasoo galay  koox hubaysan, waxayna na geliyeen argagax, rasaas ayay rideen, waxayna Patrol ku wareejiyeen qalabkii yaalay goobta Ceelka laga qodayay, kadibna dab ayay qabadsiiyeen, wixii qalab yaalay waxna way gubeen, waxna way qaatee” ayuu yidhi Oday Saleebaan.

info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *