The United Nations security council has referred Libya to the ICC.Tripoli (ANN) Diyaaradaha Britain Iyo France ayaa la filayaa inay saacadaha soo socda garaacaan xarumaha dawladda Libya ee ay ku sugan yihiin ciidamada Col. Mucmar Al-qadaafi.  Kadib  go’aan la filayo  inuu kasoo baxo qaar ka mid ah wadamada xubnaha ka ah golaha amaanka. Sidaana

 

waxa laga soo xigatay dublamaasiyiin ka tirsan wadamada u olalaynaya in talaabo milateri laga qaado Mr. Qadaafi oo mucaaridka kasoo horjeeda dagaal weyni  ku dhexmarayo magaalooyin mihiim ah oo ka tirsan dalkaa.
“waxaanu doonaynaa inaanu talaabo qaadno saacadaha soo socda iyo waqti kasta mana eeganayno xasuuqa ka socda Libya.” Sidaa waxa kasoo  xigtay  guardian Ewen MacAskill oo ah dublamaasi sare.
Hase yeeshee Wadamada xubnaha ka ah golaha amaanka ayaa  ku kala qaybsan talaabo milateri oo laga qaado qadaafi, iyadoo ay hore ugu heshiin waayeen in laga mamnuuco dalkaa duulimaadyada, waxaana hada muuqata inay wadamada rigliga ka ah golaha amaanka ee codka awooda baddan leh ee qorshahaa wataa saddex keliya yihiin, kuwaas oo ah United States, Britain, France, halka Bosnia and Herzegovina, Colombia, Gabon, Lebanon, Nigeria, Portugal, South Africa  oo aan ka mid ahayn xubnaha joogtada ah raaceen qorshahaa. Laakiin Russia, China ayaa iyagu aan doonayn inay qorshahaa ka qayb galaan, waxayna labadaa wadan leeyihiin codka awooda baddan, isla markaana wadamada Germany, Brazil, India oo aan ahayn wadamada joogtada ah ayaa xulufo la noqday Russia iyo China, taas oo caqabad ku noqonay qorshaha xulufada Britain iyo france.
Sarkaal u hadlay wasaaradda arrimaha debeda ee Dawladda Germany,ayaa sheegay in aanay ka qayb gelayn qorshaha la doonayo in talaabo Milateri laga qaado Libya, wuxuuna ka muujiyay raja xumo iyo inay keeni karto cawaaqibxumo iyo dagaalo sokeeye oo ka bilaabma halkaa. Sidaa awgeed, wuxuu sarkaalka u hadlay Gemany sheegay in aanay marnaba ciidamo u dirayn Libya.
Laakiin Britain iyo France  waxay doonayaan inay iyagoo kaashanaya khuburo ka socda wadamada carabta ay diyaaradohoodu bilaabaan duqaynta dhinaca cirka ee Libya, waxaana la qorsheeyay inay khuburada dhinaca carabtu ka yimaadaan Jordan,  Qatar iyo  United Arab Emirates, kuwaas oo sidoo kalena ka caawinaya sidii loo taageeri lahaa mucaaridka Qadaafi.
Abaabulka golaha amaanka ayaa kusoo beegmay iyadoo uu Mr. Qadaafi sheegayo inay ciidamadiisu caawa gacanta ku dhigeen magaalada Benghazi, iyadoo aan wax dagaal ahi ka dhicin saacadii lasoo dhaafay. Laakiin mucaaridka ayaa beeniyay taas.
Mr. Qadaafi oo saacado ka hor la hadlayay telefishan laga leeyahay dalka Portugal wuxuu  ku tilmaamay qorshaha golaha amaanka mid sharci daro ah oo aanu aqblayn, isla markaana aanu ogolaanayn inay wadankiisa soo galaan ciidamo shisheeye oo uu u arki doono gumaysi cusub. Waxaana jirta cabsi si weyn looga wer wersanyahay haddii ay wadamo shisheeye weeraraan Libya, iyadoo dhinaca kalena ay kooxaha mucaaridka  qaarkood soo dhoweeyeen in talaabo Milateri laga qaado Qadaafi.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail. info@araweelonews.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *