Hargeysa(ANN)Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo muddo laba jeer ah ku guul daraystay  doorashooyinkii Madaxtooyada ee Somaliland ka qabsoomay sannadihii 2003-dii iyo 2010-kii, ayaa madmadaw geliyay  inuu isu soo sharaxayo mar saddexaad

 

doorashada soo socota ee Madaxtooyada, isagoo ka war-wareegay,  isla markaana su’aal geliyay inuu banaynayo xilka uu ka hayo xisbigaa iyo inuu ka hadhayo tartanka doorashooyinka soo socda.
Eng. Faysal Cali Waraabe wuxuu  si kulul u weeraray dadka ku doodaya in  la furo  ururada siyaasadda oo uu ku tilmaamay inaanay wadin danta dalka iyo dadka, isagoo yidhi, “Waxaan u aragnaa xisbi ahaan dadka ururada siyaasadeed doonaya in aanay  danaynayn danta iyo maslaxadda dalka, xisbiyadeenu way korayaan oo way adkaanayaan ee ma aha inaynu furno ururo siyaasadeed iyadoo aynu ognahay in bulshadeenu qabiil ku dhisan tahay oo jilib waliba furan doono urur siyaasadeed,”ayuu yidhi  Eng. Faysal Cali Waraabe oo xalay  u waramayay TV-ga qaranka Somaliland.
Sidoo kale  wuxuu ku dooday in qofka doonaya inuu murshax noqdo looga baahan yahay inuu galo xisbiga oo uu maal geliyo,  isla markaana dedaal badan geliyo dhismaha xisbiga.
“Xisbiyadeenu way is bedelayaan oo way furan yihiin, waxaad ogtihiin in KULMIYE uu Siilaanyo baneeyay xilkii Hoggaanka xisbiga, UDUB waxa aasaasay  Marxuum- Maxamed Ibraahim Cigaal markii uu baneeyay Rayaale ayaa qabtay oo isna imika banaynaya. Anigu  wali maan go’aansan doorashada dambe inaan ka qayb galo,  waa laga yaabaa inaan baneeyo, laga yaabaa inaan joogo,”ayuu yidhi Guddoomiyaha UCID.
Guddoomiyaha UCID waxa uu sheegay in siyaasiyiinta ku soo biira xisbigooda ay ka qeyb geliyaan hoggaanka dalka waxaanu yidhi “Waxa  hore noogu  yimi Prof. Maxamed Cismaan Fadal, waxa markiiba aanu ka dhignay Guddididii qaban qaabada shirweynaha markii shirweynihii la gaadhay waxaanu ka dhignay Guddoomiye Ku Xigeenka koowaad iyadoo dad badani lahaayeen dusha ayaa nalagaga keenay, waxa noo yimid Aadan Waqaf oo Wasiir ahaa waxaanu ka dhignay Guddoomiye Ku Xigeenka labaad. Waxa kale oo noo yimid Maxamed-rashiid waxaanu ka dhignay Murashax Madaxweyne Ku Xigeen markaa qofkii noo yimaadaba sidaasi ayaanu ka yeelaa.” Ayuu yidhi, isagoo ku faanaya inuu xisbigiisu yahay dumuqraadi.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E- Mail. info@araweelonews.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *