Hargeysa(ANN) Cabashooyin ka imayayay ardayda dugsiyada dawladda ayaa maalmihii u danbeeyay isa soo tarayay. Kadib markii ay macalimiinta wax ka dhiga dugsiyada Hoose/Dhexe ee xukuumaddu joojisay lacagtii ardayda laga qaadi jiray, taas oo saamayn togan ku yeelatay tayada

 

waxbarashada dugsiyada dawladda oo markii horeba liitay, iyadoo dugsiyo baddan ardayda wax ka dhigataa ka cabanayaan in aanay macalimiintu si fiican ugu dhigin maadooyinka, isla markaana aanay xiisadaha waxbarasho ee ay u baahnaayeen wada helin.
Qaar ka mid ah ardayda ayaa todobaadkan u sheegay weriye ka socda shebekada wararka ee Araweelonews in marka ay cabashada arrintaa u gudbiyaan maamulayaasha, ama macalimiinta qaarkood ay ugu jawaabaan, “ma lacag ayaad bixisaan.” Iyagoo u jeeda joojinta laga joojiyay lacagta ay ardayda ka qaadi jireen oo xukuumaddu joojisay, taa bedelkeedana mushaharka loo kordhiyay 100%., isla markaana la diiwaan geliyay macalimiinta dalka oo dhan oo laga dhigay shaqaale rasmi ah.
Marka laga yimaado macalimiinta dugsiyada Hoose /Dhexe ee ku doodaya in aanay Ardayda lacag ka qaadin, waxa iyana jira cabashooyin kale oo ka dhashay macalimiin dhawr goor mudaharaad la tegey xarunta wasaaradda waxbarshada oo ka cabanaya musuqmaasuq iyo in la duudsiyay xuquuqdoodii, isla markaana mushaharka macalimiinta ayaa dib u dhac weyni ku yimi, taas oo iyaduna saamayn weyn ku yeelatay gebei ahaanba dugsiyada waxbarshada dawladda.

Waxaana markii ugu horaysay ka hadashay mushkiladaa   Wasiirka Wasaaradda Waxbarashadda iyo tacliinta sare ee Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan,waxayna iyadoo arrintaa ka hadlaysa tidhi,“Dhibaatada soo baxday muddooyinkan dambe waxa weeyaan in macalimiintii sag saaga yar ee lacagtii kaga raagtay inay sababtay in saacadihii  iyo xiisadihii ardayda dugsiyada wax loo dhigayay ay yaraadeen. Waxaan leeyahay macalimiinta dugsiyada markii hore maydaan ahayn shaqaale dawladeed waayo Maamuleyaasha ayaa iska eryi jiray markay doonaan. Maantase waxaad tihiin shaqaale rasmi ah oo xuquuqdooda leh, oo hawl gab leh.waxaan macalimiinta u soo jeedinayaa inay ilaaliyaan saacadaha ay wax u dhigayaan carruurta waanu  kula xisaabtamaynaa arrintaasi ILAAHAY-na wuu kula xisaabtami doonaa,”ayay tidhi Marwo Samsam Cabdi Aadan oo maanta ka hadlay xaflad deeq raashin, xoolo iyo lacag ah lagu gudoon siinayay xarunta Agoomaha ee Gabilay.
Wasiirka Waxbarashadu waxay intaasi ku dartay inay wasaarad ahaan dedaal u galayaan sidii ay u daryeeli lahayn macalimiinta dugsiyada isla markaana aqoontooda kor u qaadi doonaan.
Wasiirku waxa kale oo sheegtay in mushaharka ka raagay macalimiinta dugsiyada ay sababtay dad aan macalimiin ahayn oo sifo sharci darro ah macalinimo loogu soo qoray oo ay ka saarayeen liiska macalimiinta.
Wasiirku waxay xustay inay todobaadka fooda inagu soo haya ay ku rajo weyn tahay in macalimiintu ay helaan mushaharkoodii.
Marwo Samsam Cabdi Aadan, oo ka hadlaysay xarunta agoomaha ee Gobolka Gabilay waxay tidhi “Waxaan aad ugu mahad celinayaa Gudoomiyaha Xarunta Agoomaha Gabilay Safiya Aw Aadan Meecaad, doorkii hore ee aanu nimid xaruntan iyo maanta waxa u dhaxeeya faraq weyn. Agoomuhuna way qurux badan yihiin. Waxaan maamulaha uga mahad celinayaa sida ay ugu maamusho dhaqaalaha lagu caawiyo xaruntan. Xoolaha lagu caawin jiray oo mar la wada qali jiray waxay  ugu nidaamisay si wanaagsan.”
“Wasaarad ahaan waxaanu balan qaadnay in carruurta xarumaha agoomuhu ay bilaash ku dhigtaan dugsiyada, labaatan arday oo agoomaha Somaliland ah ee dhamaystay dugsiga sare waxaanu u qaybinay jaamacadaha dalka, waxaanan balan qaadaynaa inaanu sidaasi u wadno,”ayay tidhi Wasiirka Waxbarashadu.
Dhinaca kale waxa jira mushkilado ku xeeran wasaaradda oo aanay illaa hada wasiirku waxba ka qaban, taas oo saamayn weyn ku keenay inay wasaaradda waxbarshada oo lagu tiriyo inay tahay wasaaraddaha ugu musuqmaasuqa baddan  hagaasiso, isla markaana abuurto mushkilad  soo waajahda Xukuumadda madaxweyne Siilaanyo.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail.info@araweelonews.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *