Daraabulis(ANN)Ugu yaraan 52 qof ayaa ku geeriyooday Magaalada Daraabulis ee dalka Libya. kadib markii ay cabeen Maandooriyaha Khamri, isla markaana dad lagu qiyaasay 370 oo kale ayaa xaalad halis ah galay, kuwaas oo

loola carayay xarumaha caafimaadka.
Sarkaal u hadlay Wasaaradda caafimaadka Liibiya Caamir Maxmad Caamir ayaa sheegay in dadka dhintay ay si badheedh ah u cabeen khamriga kadibna ay dhimashadu si iskumid ah ugusoo deg degtay,dadka dhintay waxay ubadanyihiin ciidanka ammanka, kuwaas oo da’doodu u dhaxayso 20 ilaa 55 jir.
Wakaaladda wararka dalka Libiya ayaa sheegtay in sababta ay dadku ugu dhinteen kuwo kalena waxyeelo uga soo gaadhay Khamrigaa ay tahay kadib markii lagu badiyay Kahmrigaa maadada kiimikada loo isticmaalo ee Al-miithaanool.

Dhinaca kale mukhaadaraatka ayaa mamnuuc ka ahaa dalka Libya markii ay xukunka haysay xukuumaddii Mucmar Al-qadaafi ee ay wadamada reer galbeedku inay xukunka ka tuuraan u adeegsadeen Mucaaradka dalkiisa, waxaana qofka lagu qabto uu la kulmi jiray ciqaab xabsi daa’in ah iyo ganaax lacageed, balse maamulka Libiya ee reer galbeedku ka dhiseen halkaa ayaa ku doodaya in Khamriga si qarsoodi ah dalka loo soo geliyay, iyadoo lagu soo farsameeyay wadamada reer galbeedka sida ay ku dooday Wasaaradda arrimaha gudaha Libya oo sheegtay, wuxuuna xusatay sarkaal u hadlay Wasaaradda arrimaha gudaha in khamriga lagusoo qariyay walxo sumeysan oo qofku markuu cabo indha beel ku ridaya markaa kadibna uu go’go’ayo micindhirku qofka saacado kadibna wuxuuna naqanayaa qof dhintay.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *