Djibouti(ANN)Maxkamad ku taal dalka Djibouti ayaa xukun ku ridday wadaado caan ka ah wadankaa, kuwaas oo ka qaybgalay doorashadii dhowaan ka dhacday dalkaa, balse mucaaradooda iyo ka qayb qaadashada ay

doonayeen inay siyaasada ka qayb qaataan ay ka cadhaysiisay xukuumadda Djibouti ee Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo ku eedeeyay wadaadada ku doonaya inay kusoo gabadaan siyaasada.
Sadexda Wadaad ayaa xabsiga loo taxaabay kadib muran ka dhashay natiijadii doorashada, waxaana shalay lagu riday xukun midkiiba laba sanadood Xadhig adag ah.
Culimadaa oo dalka DJibouti si weyn looga yaqaanay ayaa kala ah Cabdi Raxmaan Suleymaan Bashiir,Cabdi Raxmaan Barkhad Good iyo Giirre Miigaal.

xeer ilaaliyaha maxkamadda DJabuuti Jaamac Suleymaan Cali ayaa Idaacadda VOA-da u sheegay in wadaadada laxidhay ay ku lug yeesheen rabshado waxyeello gaystay oo maalmo ka hor ka dhacay dalka DJabouti. laakiin mucaaradka Dalka Djibouti ee tamarta daran ayaa u arka arrintaa mid lagu cabudhinayo xoriyada iyo xuquuqda muwaadiniinta, isla markaana la doonayo in mucaardka loogu quus gooyo.

araweelonews mobile

www.araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *