See full size imageWashington (ANN)Madaxweynihii hore ee dalka Mareykanka George W. Bush ayaa galay dugsi ku yaal Gobolka Taksis ee uu deganyahay oo laga barto qaynta Farshxanka, isla markaana Mr Bush wuxuu bedelay magaciisa, iyadoo loogu

 

yeedho tirada 43, taas oo looga jeedo madaxweynihii 43aad ee soo mara xukunka Maraynka, balse lama raaciyo lamarkaa wax kale, iyadoo aanay qaar badan oo ka mid ah ardayda dugsigu ogayn inuu ahaa Madaxweynii hore ee Maraykanka.

Sida lagu sheegay warbixin aad usoo jiidatay rayal caamka bulshooyinka aduuunka iyo shacbiga maraykanka oo laga sii daayay Telefishnka Fox News Mr. George Bush, wuxuu dugsigaa ka bartaa farshxanka sawira, taas oo uu ku noqday xariif muadadii uu baranayay.

Telefeshinka Fox News ee laga leeyahay dalka Mareykanka oo warbixin ka diyaariyay Nolashada Madaxweynihii hore ee Mareykanka ayaa sheegay  in George Bush uu ka nool Gobolka uu u dhashay ee Teksis uu noqday nin Farshaxanka aad ugu dheereeya, kadib markii in muddo ah oo Xirfaddaas loo tababarayay, wuxuuna Telefishanku baahiyay Mr. Bush oo sameeyay sawiro farshaxan ah oo xayaanka Eyda loo yaqaan oo ka badan 50, iyadoo taasi muujisay sida uu marka horeba u jeclaa Eyda. sidoo kale wuxuu sameeyay sawiro kale oo quruxbadan oo muuqaal ahaan muujinaya deegan nabdoon oo Barwaaqo ah iyo harooyin ay ku jiraan biyo oo dhir ka baxday.

Haweeneyda Mas’uulka ka ah Dugsiga Farshaxanka ee uu hadda wax ka barto George Bush oo lagu magacaabo Bony Flood  ayaa sheegtay in Ardayda Dugsigu aanay Madaxweynihii hore Mr. Bush ugu yeedhin magaciisa dhabta ah, balse ay hadda ugu yeedhaan magaca “43” taas oo macneheedu yahay inuu yahay madaxweynihii 43-aad ee soo mara dalka Mareykanka.

sidoo kale Haweenayda mausha Dugsigaa ayaa sheegtay in Bush uu go’aan ku gaadhay in Diiwaanka Farshaxannada uu sameeyo uu qeyb weyn ka siin doono Sawiradda Xayawaanka Eeyga, kaas oo ay tilmaantay mid la yaab ah.

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *