Hargeysa (ANN)Madaxweynaha xilka sii haya ee lagaga guulaystay doorashadii madaxtooyada Somaliland Daahir Rayaale Kaahin iyo Madaxweynaha cusub eek u guulaystay doorashadii madaxtooyada ee dalka ka dhacday Jun 26, 2010, Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo  aan weli xilka kala  wareegin madaxweynii hore ayaa 

shalay kulan muddo laba saacadood ah ku wada  qaatay Qasriga Madaxtooyada ee magaalada Hargeysa.

Kulankaa  oo ahaa mid laba saacadood qaatay ayaa ahaa kii sadexaad ee dhexmara labada madaxweyne wixii ka danbeeyay doorashadii madaxtooyada ee natiijadeeda lagu dhawaaqay 1 July 2010.  isla markaana wuxuu kulanka maanta oo aanay cidi ku wehelin labada madaxweyne qaatay mudo laba saacadood ah, iyadoo aanay saxaafadu goob jog ka ahayn. Balse  waxa lagu sheegay warsaxaafadeed kulankaa kadib ay wada jir usoo saareen oo uu ku saxeexnaa  afhayeenka Madaxtooyada ee xukuumada xilka wareejinay inay labada madaxweyne ka wada hadleen tallooyin muhiim ah oo  la xidhiidha xaalada kala guurka iyo habka xil-wareejinta.

 

War-saxaafadeedka ay wada jirka usoo saareen xalay oo uu soo saaray Afhayeenka Madaxweynaha xilka wareejinaya Siciid Caddaani Mooge, ayaa lagu sheegay ujeedada nuxurka kulankaa labada Madaxweyne ee xilka la kala wareegaya yeesheen maanta iyo qodobbada ay ka wadahadleen. War-saxaafadeedkaa oo dhammaystiranina waxa uu u dhignaa sidan:-

“Waxaan ku qanacsanay sida habsamida ah ee ay u socoto qaban-qaabada xil-wareejinta, isla markaana waxaanu isku raacsanahay aniga iyo Madaxweynaha aan xilka kala wareegayaa Rayaale in laga dig-toonaado wax alla wixii khal-khal-gelin kara xil-wareejinta Madaxweynanimada Somaliland oo hadda si habsami ah u socota”.

Madaxweynaha xilka ka sii dagayaa Daahir Rayaale Kaahin waxa uu isna sheegay in madaxweynaha Cusub ee la doortay uu siiyey talooyin badan oo danta dalka khuseysa, maadama uu muddo dheer uu xilka soo hayey oo uu waayo-arag u yahay. “Aniga iyo madaxweynaha la doortay Axmed Siilaanyo, waxaanu u wada Shaqeyn doona si daacadnimo ah mustaqbalka, waxaanan sidaaan hore u balan-qaaday si sharaf iyo xishmad leh ugu wareejin doona xilka oo ah marka la gaadho wakhtigii loo balamay”

Kulanka saaka ku dhexmaray qasriga Madaxtooyada Madaxweynaha Cusub ee xilka la wareegaya  Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo Madaxweynaha xilka ka sii degaya Daahir Rayaale Kaahin ayaa warar kale oo u dhuun daloolaa sheegayaan inay si gaara uga wada hadleen arrimaha amaanka iyo mandaqada ee waqtigan oo Somaliland ku jirto xaalad kala guur. Sidoo kale waxa jira warar tibaaxaya inay labada madaxweyne ka wada hadleen kulankooda saacadaha qaatay mawduucyo ay madaxweyne Rayaale iyo dawlada faransiisku hore u wada hadalo ugu socdeen, kuwaas oo ay wefdigii maalmihii lasoo dhaafay doonayeen inay meel ku ogaadaan maadama ay xukuumad cusubi xilka la wareegay, isla markaana wefdigaa ayaa mudadii ay joogeen kulamo la yeeshay labada madaxweyne iyo shirgudoonka golaha wakiilada, waxayna ka hor intii aanay dalka ka dhoofin booqdeen xabsiga Mandheera oo ay kula kulmeen qaar ka mid ah maxaabiista ku xidhan.

Madaxweynaha cusub  Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) ayaa maalmo kadib markii komishanku ku dhawaaqay natiijada codbixinta waxa uu Magacaabay guddiyo ay kamid yihiin guddida qabanqaabada  Xafladda xil wareejinta,  kuwaas oo uu u xil saaray inay Xukuumadda xilka ka degeysa isla meel dhigaan qaabka ay munaasibaddu u dhacayso iyo tirada martida lagu soo casuumayo, iyadoo ay wax ka yar todobaad inaga xigaan mudadii xil wareejinta.

 

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 

Araweelonews Hargeysa Office           

E-mail; Info@araweelonews.com/ jaamac132@gmail.com/ shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *