images/stories/ssss 7.jpg   Hargeysa (ANN)Mudanayaasha golaha wakiilada ee Somaliland ayaa meel mariyay ajandaha kalfahiga golaha ee 12aad oo shalay goluhu cod aqlabiyad ah ku aqbalay. Kadib markii ay dood ka yeesheen maalmihii lasoo dhaafay qodobada ajadandahaa ku qoran. Gudoomiyaha golaha wakiilada C/raxmaan Maxamed C/llaahi oo hadal kooban ka jeediyay madasha ka hor intii aan loo codayn ajandaha

 ayaa ku wargeliyay hawlaha culus ee waqtigan horyaala golaha iyo bisha barakaysan ee Ramadaan oo kusoo fool leh. Sidaa awgeed ay muhiim tahay inay mudanayaashu si buuxda uga soo qayb galaan fadhiyada.

Wuxuuna xusay inay mudadii ajandaha kalfadhiga 12aad goluhu ka dooday ay, isla markaana ay ka qayb galeen dooda ilaa sideed mudane, kuwaas oo sida gudoomiyihi sheegay nuxurka doodu ahaa meel marinta ajandahaa.  Iyadoo 40 mudane oo ka mid ah mudanayaasha golaha ee  kasoo xaadiray fadhiga  ay cod aqlabiyad ah ku meel mariyeen, iyadoo 35 ka mid ahi ogolaadeen ajandaha, halka xildhibaan keliyi diiday, todoba kalena ka aamuseen meel marinta ajandahaa.
Hase yeeshee golaha wakiilada oo waqtigan kala hawlo waaweyni sugayaan, ayaa u muuqda mid aanay hada mudanayaashu ka caga jiidayaan fadhiyada waqtigan bilaabmay oo waqtigan la filayay inay inta badan soo xaadiraan marka la eego xaalada dalka ee mudada kala guurka iyo duruufaha ku xeeran, isla markaana ay mudo koobani ka hadhay bisha barakaysan ee Ramadaan oo goluhu fasax galo.
Sidaa awgeed shirgudoonka golaha oo arrimahaa indhaha ku haya ayaa maalmihii lasoo dhaafay saxaafada ku baahiyay kala badh oo badh tirada mudanayaasha golaha wakiilada oo kasoo xaadiri waayay fadhiyada waqtigan oo la filayay inay muujiyaan dedaal dheeraada, waxayna shirgudoonku ku wargeliyeen xubnaha golaha wakiilada inay muujiyaan dedaal dheeraada oo ay fadhiyada kasoo qayb galaan, iyagoo shirgudoonku  sheegay in mudanayaasha sabab la,aan fadhiyada uga maqnaada talaabo laga qaadi doono.
Dhinaca kale mudanayaasha ayaa laga dareemayay waqtigan  muuqaal aan hore loogu arag mudanayaasha xubnaha ka ah golaha wakiilada. Wixii ka horeeyay Kalfadhigan oo ahaa kii 12aad ee golaha wakiiladu yeesho, tan iyo markii lasoo doortay mudanayaasha cusub 2005.
Kalfadhigan oo  lagu qabtay hoolka weyn ee dhismaha wasaarada arrimaha gudaha. Kadib markii xarunta Baalamaanka laga bilaabay dhismayaal iyo dib u habayn lagu samaynayo labada aqal ee wakiilada iyo guurtida.
Kalfadhiga oo furmay Arbacdii todobaadkii hore waxa mudadii laga  doodayay  ajandaha kalfadhiga horyaala oo isugu jira xeerar mudooyin badan miiska golaha saarnaa  iyo kuwo kalfadhigii kan ka horeeyay ay suurta geli weyday inuu goluhu guda galo, laakiin  mudanayaasha dooda ka qayb galay iyo muuqaalka gebi ahaanba mudanayaasha golaha ayaa u muuqday inay waqtigan is bedeleen mudanayaashii mucaaridka ahaa waqtiyadii hore iyo kuwii muxaafidka ahaa, waxaana la dareemayay inay mudanayaal hore u ahaa mucaarid ay waqtigan soo gashadeen Koofiyado muxaafid, halka kuwo hore u ahaa muxaafidna waqtigan u muuqdeen inay soo xidheen Koofiyado mucaarid, taas oo loo malaynayo inay sabab u tahay isbedelka  doorashada madaxtooyada ee dalka ka dhacday 26 Jun 2010. Ee is weydaarisay xisbigii mucaaridka ugu weynaa ee Kulmiye oo ku guulaysaty doorashada ka dhigay muxaafid, halka xisbigii UDUB oo ahaa sideed sanadood xisbul xaakim wixii ka danbeeyay doorashada madaxtooyada u kasoo jeestay dhinaca mucaaridka.
Si kastaba ha ahaatee muuqaalka mudanayaasha ayaa ka duwanaa, qaabkii ay mudanayaashu inta badan ugu kala suntanaan jireen waqtiyada doodaha ee difaaca iyo weerarka, kuwaas oo hada u muuqday inay is weydaarteen mucaaridkii iyo muxaafidkii.
 By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Hargeysa Office  
E-mail; Info@araweelonews.com/ jaamac132@gmail.com/ shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *