Hargeysa(ANN) Fadhi wada jir ah oo ay maanta yeesheen labada gole ee Baarlamaanka Somaliland ayaa aqlabiyad ku ogolaaday xil ka qaadista gudoomyiha Maxkamadda sare ee Somaliland Maxamed Xisri Oomane . Fadhigaa oo uu guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada C/raxmaan Maxamed
Cabdilaahi (Cirro) waxa madasha ka soo xaadiray 132 Xildhibraan oo ka mid ah 164-ka Xildhibaan ee labada Gole ka kooban yihiin.
Kadibna Waxa Mudaneyaasha loo akhriyay digreetadii Madaxweyne Axmed Siilaanyo xilkii kaga qaaday Guddoomiyaha Maxkamada Sare iyo qoraalkii uu kaga dalbaday inay wax ka bedel ku sameeyaan xeerka doorashooyinka ee uu u soo gudbiyay Baarlamaanka , ka dibna waxa la gudo galay cod bixintii waxaana ogolaaday in xilka laga qaado 67 Mudane, halka 52 Mudane ay diideen xil ka qaadista Guddoomiyaha, iyadoo ay ka aamuseen 10 Xildhibaan Guddoomiyuhuna muu codayn sidaana waxa ku ansaxday xilka qaadista Guddoomiyaha Maxkamada sare ee Somaliland oo Madaxweynuhu xilkii ka qaaday isaga iyo sideed garsoore oo ka mid ah xukaamta maxkamadaasi markii ay dami weyday cabashada dhinaca garsoorku.
Dhinaca kale waxa la hadalhayaa tan iyo markii xilka laga qaaday gudoomiyaha maxkamadda sare in si weyn loogu raja weynyahay inuu Madaxweyne Siilaanyo xilka gudoomiyaha maxkamadda sare u magcaabo Dr. Yuusuf Ismaaciil Cali oo ah garyaqaan si madaxbanaan ugu shaqaysta xirfadiisa shaqo, isla markaana xilal kala duwan kasoo qabtay garsoorka Somaliland tan iyo 1992, isagoo Garyaqaan Yuusuf ka qalain jebiyay jaamacaddii Ummada Soomaaliyeed ee Gahayr 1988, isla markaana garsoore kasoo noqday Maxkamadda gobolka Hargeysa, Maxkamadda Rafcaanka ee Hargeysa iyo meelo kale ka hor intii aanu istiqlaalid dhiibin sannadkii 2002. Geeridii Madaxweyne Cigaal Kadib markii ay xukuumaddii Rayaale faragelin ku samaysay garsoorka Somaliland. iyadoo lagu tilmaamo Garyaqaan Yuusuf shaqsiyaadka ugu nadiifsan dhinaca dadka ka hawlagala garsoorka Somaliland, isla markaana xirfad aqooneed iyo waaya aragnimo u leh shaqada garsoorka.
Si kastaba ha ahaatee Madaxweyne Siilaanyo talaabada dhinaca garsoorka ah ee uu qaaday ayaa ka danbaysay balanqaad dib u habayn dhinaca cadaaladda iyo garsoorka ah oo uu balanqaaday xiligii kaanbaynka Ololaha doorashada madaxtooyada, waxaana la filayaa inuu magcaabo saacadaha soo socda gudoomiyaha maxakamadda sare iyo garsoorayaal kale.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com