Hargeysa(ANN)Labada gole Baarlmaan ee (Wakiilada iyo Guurtida), ayaa maanta fadhi wada jir ah oo ay yeesheen waxay cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen Guddoomiyaha cusub ee Maxkamada Sare ee Somaliland Dr. Yuusuf Ismaaciil Cali oo Madaxweyne Siilaanyo u magcaabay xilkaa 2 July 2011. Fadhi wada
jirka ah oo ay yeesheen mudanayaasha labada aqal maanta waxa kasoo xaadiray 109 Mudane oo ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka. Kulnkaa oo gudoominayay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada C/raxmaan Maxamed Cabdilaahi (C/raxmaan Cirro).
Waxa fadhiga laga akhriyay taariikh nololeedkii, waxbarashadii iyo waayo aragnimadii Guddoomiyaha cusub ee Maxkamada Sare Dr. Yuusuf Ismaaciil Cali, ka dibna waxa la gudo galay cod u qaadistii Gudoomiyaha cusub waxaana ogolaaday 107 Xildhibaan, hal Mudane ayaa diiday, cid ka aamustayna may jirin, Guddoomiyuhuna muu codayn, sidaana waxa ku ansaxay Gudoomiyaha Maxkamada sare ee Somaliland.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com