Jidda (ANN)Wasiirka wasaaradda maaliyadda Somaliland Eng. Maxamed Xaashi Cilmi ayaa ka hadlay waxqabadka wasaaradda iyo qorshayaasha mustaqbalka ee dhinaca maamliyadda, isagoo sheegay inay sameeyeen cashuur dhimis ay samaysay wasaaraddiisu meelo baddan  iyo cashuuro cusub oo ay

soo rogtay oo aan hore loo qaadi jirin, kuwaas oo sida uu xusay  ay ka mid yihiin cashuurta mushaharka shaqaalaha aan dawliga ahayn iyo cashuurta macaash macaashka.
Eng. Maxamed Xaashi Cilmi wuxuu sidaa ka sheegay munaasibad soo dhowayn ah oo ay u sameeyeen jahliyadda Somaliland ee dalka Sucuudiga oo uu ku joogo safar caafimaad.
Wasiirka maaliyadda Somaliland waxa kale oo uu ka waramay waxyaabihii u qabsoomay iyo guulihii ay gaadheen muddadii koobnayd ee ay xilka haysay xukuumadda uu ka tirsan yahay iyo waxyaabaha u qorshaysan ee ay higsanayaan.
“Dhaqaalaha dalka kobaciisu waa wax dalka u soo kordhaya, waayo warshaddii shaqaale ayaa ka soo baxaya, shaqaalahaas mushaharkooda cashuur ayaa laga qaadayaa, oo cashuuraha aanu soo rognay ee aan hore loo qaadi jirin ayay ka mid yihiin shaqaalaha mushaharkooda oo cashuur laga qaado, waxaa ka mid ah macaashal macaashka, markaa cashuuro door ah oo aan hore loo qaadi jirin oo aanu iminka qaadno ayaa jira. Cashuurihii aanu is lahayn waa xad dhaafna waanu dhinay,” ayuu yidhi wasiirka wasaaramadda maaliyadda Maxamed Xaashi Cilmi oo ka hadlayay maanta xaflad ay ku soo dhawaynayeen jaaliyadda reer Somaliland ee dalka Sacuudi Arabiya oo uu socdaal caafimaad ku joogo.
Eng. Maxamed Xaashi Cilmi waxa kale oo uu mahadnaq ballaadhan u jeediyay Jaaliyadda reer Somaliland ee ku dhaqan dalka Sacuudi Arabiya oo uu sheegay in ay u soo dhaweeyeen si weyn oo ay ku dheehan tahay wadaniyad iyo weliba xubnihii soo abaabulay iyo kuwii ka soo qayb galay xafladdaasi lagu soo dhawaynayayba.
“Aad baan idiinku mahad naqayaa sida fiican ee sharafta leh ee aad ii soo dhawayseen, waan jecelahay in aan muddo idinla sii joogo, laakin waxaad xasuusan tihiin in aan xaalad caafimaad u imi halkan oo aan ilaa haddana caafimaadkii ku jiro, hawlo kale oo badanna way jiraan oo way isugayaan,” ayuu yidhi wasiirka maaliyadda Eng. Maxamed Xaashi Cilmi.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *