Laascaanood(ANN) Taliye ku-xigeenka Ciidanka Sirdoonka Somaliland ee Gobolka Sool Carab Qawdhan ayaa caawa fiidkii  gurigiisa oo ku yaala magaaladda Laascanood lala beegsaday qarax  weyn oo gilgilay  gurigaa, waxaana ku nafwaayay

 

Abtigii oo ku suganaa guriga.
Taliye xigeenka ayaa isaguna ku sugnaa giriga marka qaraxu dhacay sida ay shebekadda Araweelonews  u sheegeen saraakiil ku sugan Laascaaood, balse Mr. Carab ayaa ka badbaaday Qaraxaa, isagoo ku sugnaa qol ka mid ah guriga.
Saraakiisha Ciidanka ayaa ka gaabsaday inay faahfaahin ka bixiyaan qaraxaa oo khasaare geystay, ma jiraan warar madaxbanaan oo sheegaya in ilaa hada la ogyahay cidii ka danbaysay qaraxaa, balse waxay wararku sheegayaan in baadhitaan ay bilaabeen ciidanku.
Sarkaalka lala beegsaday guriisa qaraxa Mr. Carab, ayaa hore uga badbaaday qarax lala beegsaday isaga iyo taliyihii sirdoonka gobolka Sool oo ku nafwaayay waqtigaa horaantii 2010.
Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa hoy u noqotay qaraxyada iyo dilalka qorshaysan eel ala beegsado masuuliyiinta xukuumadda Somaliland iyadoo ilaa 2009, ay ku nafwaayeen ku dhowaad sodon sarkaal oo hay’addaha kala duwan ee xukuumadda ah, kuwaas oo ay xukuumaddii hore iyo xukuumadda cusub ee hada talada haysaaba ku fashilmeen inay wax ka qabtaan.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *