Hargeysa(ANN) Maxkamada Gobolka Hargaysa ayaa saaka xadhig hal sanno ah ku xukuntay boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buur- madow) oo in muddo ah u xidhnaa fekerkiisa siyaasadeed, balse xukuumadda Somaliland ee Madaxweyne Siilanyo ka cadhootay.

Boqor cismaan buur-madow ayaa xukunka xadhigiisa waxa lagu saleeyey aflagaadooyin la sheegay inuu u gaystay madaxda qaranka, iyadoo xadhigiisa loo cuskaday qodobka 156aad kaas oo aan ahayn qodobadii hore loogu eedeeyay oo ahaa 115 iyo 112, kuwaas oo waxba kama jiraan noqday. Xeer Ilaaliyaha guud ee qaranka Xasan, ayaa markii xukunku dhacay looga yeedhay Madaxtooyada, waxayna wararka qaar sheegayaan in lagu canaantay inuu ku fashilmay dacwad oogista Boqor Cismaan. kadib markii uu Maxakamadda hor keeni waayaay cadaymo ku filan eedahaa iyo qodobo loo cuskado xukunkaaa oo meel mara.

Boqor Cismaan Buur-Madow ayaa ku dhawaad muddo afar bilood ah waxa uu ku xidhnaa jeelka weyn ee magaalada Hargaysa, iyadoo mudadaa ay dacwad oogayaasha Xeer Ilaalinta iyo laanta baadhista denbiyadu mudadaa awoodi waayeen inay wax cad hor keenaan maxkamadda

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *