Go’aan La Filayay Inay Maxkamaddu Kasoo Saarto Dawcada Boqor Buurmadaw Oo Baaqatay,  Boqolaal Dadweyne   Ah Oo Ku Hungoobay Saaka Iyo Saamaynta Go’aankaasi Ku Yeelanayo Garsoorka Dalka Hargeysa(ANN)Go’aan la filayay inay maanta kasoo saarto dawcada Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buurmadaw), ayaa dib u dhacday, iyadoo aan si cad loo sheegin sababta maxakamadda gobolka Hargeysa oo dacwadaasi ka socotay mudooyinkii u danbeeyay ay dib ugu dhacday.

Dadweyne baddan oo danaynayay, isla markaana la socday kiiska Boqor Cismaan Buurmadaw, ayaa saaka subaxnimadii hore ku waaberiistay barxada hore ee maxkamadda iyo agagaarka u dhow, kuwaas oo intooda badani talaabo talaabo ula socdeen dacwadaa iyo xadhiga Boqor Cismaan oo mudo ku dhow Afar Bilood u xidhnaa fekerkiisa siyaasadeed, isla markaana marar baddan dacwadaasi murkucatay. Kadib markii xeer Ilaalintu ku fashilantay inay maxkamadda horkeento eedaymo lagu qanco.
Dadweynahaa oo u abadnaa haween dhalinyaro  iyo rag, ayaa ka dareeray halkaa dhawr saacadood ka dib markii ay ku dhowaatay saacado kow iyo tobanadii, iyadoo qaarkood maqleen in dib loo dhigay go’aanka sababo aan la shaacin ilaa maalinta Axada ee 8 July 2012.
Sidoo  Koox warbaahinta ka socotay oo iyaguna danayay kiiskaa, ayaa ku hungoobay saaka Maxakamadda gobolka, waxayna qaar suxufiyiinta ka mid ahi goobtaa ka tageen markii ay Askarta ku arki waayeen wadooyinka soo gala Maxkamadda oo subaxnimada hore la dhigijiray ciidanka booliska intii uu socday kiiska Boqor Cismaan buurmadaw.
Wararka qaar ayaa sheegaya inay xukuumaddu weyday Booliskii wadooyinka xidhi lahaa, balse warar kale ayaa sheegaya in dacwadaa oo xaasaasi ah, isla markaana ah mid siyaasadeed oo  ay dabada ka riixayaan masuuliyiin xukuumadda ka tirsan iyo xeer ilaalintu ay ka cabsi qabeen nooca uu noqonayo go’aanka lasoo saarayaa mid  dadka kiiskaa la socday dhegeysigiisu iyo ehelada Boqor Cismaan jawaab cadho ah ka bixiyaan.
Waxayna  noqonaysa markii  labaad ee sidan oo kale sabab aan la aqoon u baaqato dacwadaas oo hada go’aankeeda la suagyo. Iyadoo intii ay  Dacwadda Boqor Buurmadow socotay, sidan oo kale baaqatay bishii hore kadib markii ay ku beeganatay   Madaxweynaha Somaliland oo safar ugu baxayay dalka Imaaraadka Carabta, iyadoo  ay mudaysnayd Dacwadda Boqor Buurmadow, balse ay dib u dhacaday, waxaana arrimahan lagu macneeyay maamulxumo soo waajahday dhinaca Xeer Ilaalinta,  garsoorka iyo Booliska oo wada shaqeeya.
Go’aanka dacwadaa, ayaa la rumaysanayahay inuu saamayn ku yeelandoono mustaqbalka garsoorka Somaliland, maadaama ay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo balanqaadkeedii doorashada ee 2010, waxyaabaha ugu waaweyn ee xisbiga Kulmiye balanqaaday ahaa inuu garsoorka  iyo cadaalada wax ka qabanayo, balse taasi weli ma muuqato, waxaana loo arkaa kiiskan oo ah mid siyaasi ah inuu iftiimin dooono in wax iska bedeleen garsoorka iyo caddaaladda dalka iyo inay ku noqdeen meel ka hoosaysa halkii ay taagnaayeen xukuumaddii hore ee Madaxweyne Rayaale.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *