Laascaanood(ANN)Ciidamada Qaranka ee Somaliland, ayaa gacanta ku dhigay  laba gaadhi oo nooca gaashaaman ah iyo hal gaadhi oo land- cruser ah, kuwaas oo lagala soo go’ay kooxda nabad diidka ah ee Khaatumo ee xaruntoodu tahay Buuhoodle.

Taliyaha Ciidamada Qaranka ee Somaliland General Ismaaciil Maxamed Cismaan (Shaqale) oo maanta war-saxaafadeed soo saaray, ayaa sheegay in labada gaadhi ee Tiknikada ah noocoodu kala yihiin GMC,iyo Mid Toyoto ah oo qori saaran yahay.
Taliyuhu waxa uu cadeeyay in labada gaadhi ee Tiknikada ah bishii March ee Sannadkan lagala baxsaday Ciidamada Qaranka, kuwaas oo  loola galay Cadawga nabad diidka ah,halka gaadhiga Land Cruserka ahna lagu sheegay inuu yahay kii lagu dilay labadii nin ee watay ee laga dhacay Tuulada Gawsa weyne.
Taliyuhu wuxuu intaa ku daray  in gaadiidkaa  ay  hada ku sugan yihiin fadhiisinka hore ee ciidamada qaranka ee deegaanka  ee Gambadha.
Dhinaca kale warar kale ayaa sheegaya in xiisad iyo  khilaaf ka taaganyahay xarunta Buuhoodle  ee malayshiyadaa fadhiisinka u ahayd, iyadoo wararka qaar sheegayaan in Hogaamiyihii kooxdaa Saleebaan xagla-toosiye  oo dhowaan sheegay inuu qaatay nabada Somaliland ku baaqday ay arrintaasi saamayn ku yeelatay,  isla markaana xaaladiisu khatar gashay, markii ay malayshiyadu u galeen ciidanka qaranka Somaliland, balse ma jiraan warar madax-banaan oo ka hadlaya arrintaa. 
Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *