Laascaanood(ANN) Mudaharaadyo rabshado wata oo iska soo horjeeda ayaa saaka ka dhacay Magalaada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool. Mudaharaadyadaa ayaa ahaa kuwo kooxo dhalinayaro iyo haween ahi soo abaabuleen, kuwaas oo sida uu Idaacada BBC-da u xaqiijiyay

Badhasaabka Sool Maxamed Maxamuud Cali ay qaarkood ku diidanayeen dhawaaqa kooxda Taleex dhowaan ku qabatay shirkii fashilmay, balse ay dhalinayaradaa isku dhaceen kooxo iyagu tiro yar oo kasoo horjeeday canbaaraynta loo jeediyay kooxda shirkii Taleex.
Badhasaabku wuxuu sheegay inay ciidamada Amaanku dejiyeen xaalada, balse kooxda rabshada keentay oo dhalinayaro tiro yar ahaa rasaas, baangataal  iyo dhagxaan kala hortageen ciidanka, isla markaana wuxuu xusay inaanay jirin cid ku dhimatay mudaharaadyadaa rabshadaha wata, laakiin ay ku dhaawacmeen ilaa 11 qof. Badhasaabka Sool, wuxuu sheegay inay dadkaa  oo mudaharaadkoodu ahaa mid aan ujeedo cad lahayn, balse ku dhawaaqayay ereryo iska soo horjeeda, ay  qaarkood meheradihii furnaa albaabada u laabeen oo ay jejebiyeen. Iyagoo Taayiro ku gubay wadooyinka qaarkood. Laakiin ay maamul ahaan ku guulaysteen inay xaalada dejiyaan, wuxuuna canbaareeyay kooxdii dhowaan ku qabatay shirkii fashilmay  magaalada Taleex, kuwaas oo intooda badani canbaareeyeen go’aan ay sheegeen inuu ahaa mid kooxda Cali Khaliif Galaydh wadatay oo aan lagu meteli karin bulshada deegaanka, isla markaana ay ku tilmaameen waxba kama jiraan.
Dhinaca kale dad goob joog ah ayaa u sheegay shebekada Araweelonews  in  xaalada magaaladu degantahay, waxayna warar madaxbanaan oo aanu ka helay magaalada laascaanood sheegayaan in tirada dadka ku dhaawacmay gaadhayaan 14 qof. Sidoo waxay dadka goob jooga ahaa u sheegeen Araweelonews in mudaharaadyadaa oo ahaa kuwo rabshado wata, isla markaana iska soo horjeeda ay ahaayeen kuwo doonaya inay muujiyaan taageerada ay u hayaan qaranimadooda iyo inaanay sheegan karin koox yari sida ay ku dhawaaqayeen inay metelaan shabiga deegaanka, balse koox tiro yar oo dhalinyaro u baddan ayaa iyaguna sheegay inay taageersan yihiin shirkii fashilmay ee Taleex.
Si kasba ha ahaa mudaharaadyada rabshadaha watay ee ka dhacay Sool ayaa kusoo beegmay iyadoo magaalada Laascaanood ku suganayihiin wefdi uu hogaaminayo wasiirka warfaafinta Somaliland Axmed Cabdi Xaabsade, kuwaas oo qayb ka ah wufuud xukuumadda Somalialnd u kala dirtay gobolada dalka, iyadoo dhinaca kalena la filayo in maamilta beri magaalooyinka Somalialnd laga sameeyo debedbaxyo la doonayo in lagu canbaareeyo kooxdii shirkii burburay ee  fashilmay ku qabatay magaalada Taleex iyo in lagu muujiyo taageerada  ay shacbigu ku garab taaganyihiin ciidanka Qaranka Somaliland ee difaacaya dalka, isla markaana heeganka ugu jira ilaalinta qaranimada iyo midnimada Somaliland.  waxaana warbaahinta lsi toos ah looga shaaciyay maanta, iyadoo gaadiid lagu rakibay codbaahiyayaal dhawaaq dheer  loogu sheegayay dadka ina maalinta beri ah isu soo baxyadaasi ka dhacayaan dalka oo dhan.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *