Photo-0009Hargeysa(ANN)Kooxaha kala ujeedada ahaa ee dhowaan shirka guuldaraystay ku qabtay  magaalada Taleex ayaa durba dhawaaqyo ay ku muujinayaan  fashilka ku yimi shirkaa, isla markaana ku sheegayaan  in laga leexiyay ujeedadii loo qabtay soo saaray, iyadoo dhinaca kalena

ay soo baxeen warar sheegaya in koox yar oo ka mid ah kuwa xidhiidhka la leh argagixisadu doonayeen in maamul walaayo lagaga dhawaaqo halkaa.
Kooxaha kala mawaaqifta duwanaa ee shirkaa ka qaybgalay, balse gebi ahaanba shaaciyay inuu fashilmay. Kadib markii laga leexiyay shirka ujeedadii loo qabtay waxa ka mid aha Hoggaamiyihii Kooxdii nabad diidka ahayd ee SSC Saleebaan Xaglo-toosiye, kaas oo maanta markii u horeysay gaashaanka ku dhuftay shirkii Taleex, waxaanu sheegay inay koox yari majaro habaabisay shirka, isla markaana baalmareen ujeedadii shirkaa. Sidaa awgeed aanu aqoonsanayn waxyaabaha ay ku dhawaaqeen kooxda Galaydh.
Saleebaan Xaglo toosiye oo ka hadlaya shirkii Taleex wuxuu yidhi,  “Shirkani wuxuu ahaa shir dadka deegaanku  iskugu yimi, runtiina aad baan uga xumahay oo lama qaadan ujeedooyinkii iyo danihii ka turjumayay danaha Bulshhada  deegaankaa.  Dadku waxay doonayeen, waxa diiday shakhsiyaad gaar ah abuurayna Goleyaal iyo Guddiyo oo koox tiro yar ayaa shirkii afduubtay oo diiday tallo soo jeedintii isimadda oo meesha fadhiistay waxna iska doortay.”
Xagla Toosiye Waxa kale oo uu eedo kulul u jeediyay Cali Khaliif Galaydh , isagoo  yidhi, “Shakhsiyaadkaasi oo Cali Khaliif ka mid yahay ayaa majaro habaabiyay meeshana doorasho kamay dhicin dadkana waxba lama weydiin, markaa shacbiga waxaan ugu baaqaynaa inaanay ku niyad jabin waxa meesha ka dhacay ee waa inay iskugu yimaadaan shir dambe oo turxaan-bixin ah oo ka turjumaya masiirkooda iyo aayahooda.”
“Runtii meesha waan tagay markii horena waan joogay xaqiiqdiina in gaar ah ayaa keenay wax ay iyagu wataan, markaa afduub aad u fool xun ayaa meesha ka dhacay, waanan ka raaligelinayaa shacbiga khaladkaasi laga galay,”ayuu yidhi xaglo-toosiye.
Waxa kale oo uu baaq u jeediyay xukuumadda Somaliland waxaanu yidhi,  “Dawlada Somaliland waxaan ugu baaqayaa inay nabad-gelyada dhawraan oo ay khasaarihii (Buuhoodle) ay ka geysteenna ay mag-dhow deg deg ah ka bixiyaan, colaadi waxba ma soo kordhiso waxay ku yeesho mooyaanee, meesha ciidamo ayaa is dul fadhiya ciidamadaasi waa in meelihii ay ka yimaadeen lagu celiyaa. Xabadi wax bay dishaa ee waxba ma noolayso. Shacbiga reer Buuhoodle waxaan u soo jeedinayaa inay is xakameeyaan oo ay nabad-gelyadooda ilaashadaan.”
“SSC way ka weyn tahay in ay qaado Geed barde ah hoostiisa fadhidaa. Waxa muhiim ah wax kasta oo ummaddi ku heshiinayso inay marto wadada saxda ah. Waxa la raacay waddo khalad ah, waxaanu yeeli doonaa inaanu ummadda dib u abaabulo oo aanu qabano shir turxaan bixin ah,”ayuu yidhi Saleebaan Xaglo Toosiye oo maanta u waramayay laanta Afsoomaaliga ee BBC-da.
Dhawaaqa Xagla Toosiye ayaa kusoo beegmay mudaharaad Balaadhan oo lagaga soo horjeeday natiijada ka soo baxday shirkii guuldaraystay ee  Taleex ayaa maanta ka dhacay magaalada Buuhoodle, waxaana Boqolaal qof oo ka mid ah bulshada magaaladaasi ay socod ku mareen daqiiyada magaalada, kuwaas oo ku  dhawaaqayay  halku dhigyo ay ku daadifaynayeen gebi ahaanba shirkii Taleex ee fashilamy, iyagoo fashilka shirkaa ku dhaleeceeyay Cali Khlaiif Galaydh oo ka mid ahaa kooxda Afduubtay shirkaa burburay.Dadka isu soo baxa ka sameeyay Buuhoodle waxay taageero u muujiyeen Saleebaan Xagla Toosiye oo ahaa hogaamiyaha kooxda nabad diidka ee sheegata SSC, garabka ku gacansaydhay inay qaataan nabada xukuumadda Somalialnd hore ugu baaqday. 

Dhinaca kale Qaar ka mid ah ergooyinkii shirka Taleex ee firxadka ku galay Garoowe. Kadib markii ciidanka Qaranka Somaliland galeen magaalada Buuhoodle  ayaa shir jaraa’id oo ay maanta wadajir ugu  qabteen magaalada Garoowe  ee xarunta u ah maamulka Budhacad-badeeda Puntland, waxay sheegeen inuu shirkaasi guuldaraystay. Kadib markii laga leexiyay ujeedadii laga lahaa, iyadoo maamul aan lagala tashan bulshada oo aan loo baahnayn lagaga dhawaaqay.
Kooxdaa shirkaa Jaraa’id ku qabatay Garoowe oo ahaa Qurbajooga ka qaybgalay shirkaa ayaa kala ahaa Egn. Maxamuud Maxamed Cali (Cadami), Axmed Maxamuud Xandule iyo Cawil Kaltuun, waxayna ku tilmaameen wixii kooxda Galaydh ku dhawaaqday waxba kama jiraan.
Eng. Caddami iyo kooxda la socotay ee ka hadlay shrikaa Jaraa’id, waxay si cad u sheegeen in la afduubay ujeedadii laga lahaa shirkaa, isla markaana aan laga talo gelin madaxdhaqameedka, odayaasha iyo bulshada kale midna. Sidaa awgeed aanay aqbalayn wixii ay ku dhawaaqeen kooxda Galaydh, “Haday Cali Ciise iyo Galaydh sitaan PHD, waxaan xaal siinayaa shahaadadaa, hana iga maqnaato Phd, haday tahay ta Cali Ciise iyo Galaydh sitaan.”
Eng. Caddami wuxuu sheegay inaanay kooxda Galaydh wadin Khaatumo ee ay waday khiyaamo iyo nidaamka ee Iran ee Khumayni, sidaa awgeed ayuu yidhi, waxaan ugu baaqayaa inaanay khaatumada seegin oo ay ummada khiyaamada ka daayan.
Caddami wuxuu ku tilmaamay kooxdaa kuwo u shaqaynayay weligood Somaliland iyo goosashada, isla markaana ay hadda ujeedadoodu ahayd inay lacagtii ay Maraykanka iyo IGAD kasoo qaateen ku xalaashadaan.
Dhawaaqa kooxaha ka qaybgalay shirka fashilamay ee Taleex ayaa soo baxay, iyadoo ay isa soo tarayaan, warar iyo macluumaad la xidhiidha kooxaha kala ujeedada ahaa ka qaybgalay shirka Taleex, kuwaas oo tibaaxo laga helay dhinaca mukhaabaraadka reer galbeedka sheegayaan inay ka mid ahaayeen koox yar oo uu hormood u yahay ninka afhayeenka u noqday kooxda Galaydh ee lagu magcaabo Adan Abdullahi Shuriye, kuwaas oo doonayay inay halkaa ka sameeyaan maamul si hoose u taageera kooxaha mayalka adag ee Aragagixisada ka dagaalnta Koonfurta Somalia, isla markaana Loo bixiyo Walaayada Taleex, balse sida ay tibaaxahaasi sheegayaan kooxdaa oo dhawr xubnood ah oo ka yimi dhinaca qurbaha, isla markaana ay kala feker duwanaadeen kooxihii kale ee ay shirkaa isugu yimi miiska soo dhigeen afkaaro ka duwan kuwooda. Sidaa awgeed ay la qaateen magacii Galaydh iyo kooxdiisa.
Kooxda Doonaysay in Maamul loo bixiyo Walaayada Taleex lagaga dhawaaqo halkaa ee uu hogaaminayay Adan Abdullahi Shuriye, ayaa xoggaha la xidhiidhinaya kooxaha argagixisadu sheegayaan inay ka mid ahaayeen kooxo tiro yar oo u dhashay deegaankaa, kuwaas oo sannadii lasoo dhaafay deegaanka Laascaanood ka waday qaraxyo iyo dilal qorshaysan oo ay ku nafwaayeen saraakiil ka tirsanaa maamulka Somalialand ee gobolka Sool.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *