Hargeysa(ANN)La Taliyihii Madaxweyne xigeenka Somaliland Cismaan Siciid Jaamac oo ka mid ahaa saraakisha xukuumadda ee dhowaan Maxkamadda gobolka hargeysa ku riday xukunada kala duwan. Kadib markii dacwad la xidhiidhay musuq-maasuq lagu eedeeyay dhawr bilood ka hor, ayaa

 

debeda usoo baxay, isagoo iibsaday xukunkaa.
Cismaan Jaamac oo maanta shir-jaar’id ku qabtay Magaalada Hargeysa, ayaa  ku daadifeeyay Eedaymaha ay isaga iyo saaxibadii  mudada dheer u xidhnaayeen ee xukunkooda lagu riday,  wuxuuna ku tilmaamay xukunkaa iyo eedahaba kuwo cadaalada ka fog, isagoo  ku dooday inuu aad uga xunyahay wuxuu ku tilmaamay Cadaaladaro  ku dhacday isaga iyo Saaxiibadiisa kale ee weli Xabsiga ku jira,  kuwaas oo sheegay inuu u doodi doono intii karaankiisa ah. “Anigu waan iibsaday mudadii laygu xukumay, waxaana bixiyay garaanii, mana aha inaan ku qanacsanaa xukunkaa, anigoo rafcaan ka qaadan karayay, balse  markii aan ka walaacay Cadaaladdarada  soo waajahaday Hay’addihii Gasroorka dalka ayaan go’aankaa qaatay si aan debeda ugu boxo oo aan saaxiibaday ugu doodo”.
Mr Cismaan Siciid Jaamac,  waxa uu sheegay inaanay jirin cid intii dacwadooda la dhegeysanayay wax Markhaati ah ku furtay inay lunsadeen raashinkaa lagu eedaynayay, isla markaana wax kale oo lagu xukumo markii la waayay kiis looga dhigay Xil-gudasho la’aan aan ku jirin arinta loo haystay isaga iyo saaxiibadii, wuxuuna isagoo ka muujinaya dareenkiisa xadhigaa yidhi,  “Xadhigaasi wuxuu ahaa mid awood sheegasho ah oo baal marsan qodobka 26-aad ee dastuurka jamhuuriyada Somaliland oo dhigaya Eedeysanuhu ilaa kiis lagu helo dambiile aanu ahayn”ayuu yidhi.

Mr Cismaan, waxa uu sheegay inaan wax dambi ah lagu helin, laakiin xukun Cadaaladda ka fod lagu riday, isagoo yidhi,  “Intii Dhegeysiga dacwadayadu socday mar kaliya lama keenin qof Magacayga sheegay oo yidhi ninkaasi kiiskaasi lugbuu ku lahaa, hadana markii  dambe xukun aan la filayn ayaa meeshii ka soo baxay oo waxa lay cuskdaya hawl-gudasho la’aan iyo waxay Maxkmadu jeebkeeda kala soo baxday”.
Waxa kale oo uu sheegay in dadkii lala xidhay qaarkood xabsiga lagala baxay “Waxa dhacday in  warqadii Madaxweyne xigeenku soo qoray  oo uu ku jiray Taliye xigeenka Boolisku laga reebay, waxa kaloo dhacday in dadkii dhaca Raashinka loo xidh-xidhay qaar jeelka lagala baxay, qaarna wasiiro damaanad ku sii daayeen oo markhaatiyaal loo qabsaday, waxa kale dhacday in Xeer-ilaalintu saddex jeer bedeshay eedeymihii nalagu eedaynayay, xukunka soo baxayna runtii cadaalada Somaliland waxaan ka filaynay may ahayn”ayuu yidhi.
La Taliyihii hore ee Madaxweyne xigeenka Somaliland Cismaan Jaamac, waxa uu qiray  in  Raashinka loo haystay la lunsaday, balse  aanay iyagu lug ku lahayn ee la baalmaray dadkii lunsaday, isagoo yidhi, “Raashinkaasi wuxuu ahaa mid la lunsaday oo aanay dawladuna ka war ahayn, laakiin markii naloo xilsaaray qaybtayadii waanu ka soo baxnay waanan soo qabanay ee qaybtii Bilayska ayaan fulin, markaa waxaan isweydiinaynaa sababta annaga naloo xidh-xidhayb ee Taliyihii Bilayska ee amarka lagu siiyay inuu raashinaa soo qabto loo soo xidhi waayay, Bilayskii raashinka soo raray loo soo xidh-xidhi waayay”.
Cismaan wuxuu sheegay inuu soo wado buug uu kaga hadlayo dhacdadaa iyo sidii loola dhaqmay oo uu diyaariyay mudadii uu xabsiga ku jiray.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office   
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *