Hargeysa(ANN) Eng Maxamed Xaashi Cilmi oo ahaa Wasiirkii hore ee Maaliyadda xukuumadda Somaliland ee Madaxweyne Siilaanyo, ayaa ku tilmaamay shirarka Somaliland ka qaybgashay ee London iyo Istanbuul kuwo muujinaya murkucasho siyaasadeed. Sidaa awgeed ku taliyay

 

inay xukuumaddu ka noqto wadahadaladii Somalia.
Eng Maxamed Xaashi oo ka mid ahaa Wasiiradii Madaxweyne Siilaanyo ka caydhiyay xukuumaddiisa horaantii sanadkan,  ayaa  saluug weyn ka muujiyey hanaankii Somaliland uga qayb-gashay shirarkaa oo ka qaybgalkooda uu ku tilmaamay inay mid muujinayay inay Madaxda Somaliland hoos geeyeen  masuuliyiinta TFG-da.
Eng Maxamed Xaashi oo maanta  shir-jaraa’id ku qabtay gurigiisa Hargeysa,  ayaa sidoo kale muujiyey sida aanu u jeclaysan shakhsiyaadka reer Somaliland ee mararka ay Somaliya ka hadlayaan adeegsada weedha ah “Walaalaheen”, isagoo tilmaamay in kalmadaasi ay tahay mid aan meesha ku jirin, maadaama buu yidhi ay dadkaasi dhibaato laxaadle u geysteen shacabka reer Somaliland.
Wuxuuna isagoo arrimahaa ka hadlaya yidhi,   “Inaga wixii inagu dhacay iyagga (Koonfurta Somaliya) kuma dhicin, waxa kale oo dhacay adduunkii 700 ilaa 800 oo sanadood la ururinayey waatii la boobay ee la gurtay, imikana inagu waxaynu nidhaahnaa walaaladeen, kalmadaasina inay meesha soo gasho may ahayn, waayo walaaladaa inay sidaa kuu galaan may ahayn ee inay kuu hiiliyaan ayay ahayd, markaa kalmada walaaladeen waa mid aan meesha qabanba”ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Dalka markii aynu ku soo noqonay 1991-kii Magaalooyinku way wada burbursanaayeen, laakiin dib u dhiskoodii muddo inagumuu qaadan oo kumaynaan nasiib xumayn, markii aynu dawladnimadeenii la soo noqonay waxaynu la nimid fikir odhanaya Somaliya waynu ka wada hadlaynaa wixii inaga dhxeeyay iyo sidii aynu u noqon lahayn laba dawladood oo jaar ah, laakiin imika taasi waa arin aan aad loo tafsiirin,  lamana  odhan maxaynu ka wada hadlaynaa ee waynu wada hadlaynaa ayuun-baa la yidhaahdaa, maaha in dhibaatadii aynu xoriyada u marnay iyo intii dad inagaga dhimatay iyo intii xoolo la inagaga dhacay in maanta si dhibyar loo yidhaahdo way soo noqonayaan wax meesha ku jira maaha, laakiin waxa aynu ka wada hadlaynay waxay ahayd wixii inaga dhexeeyay ee may ahayn isku noqosho, imikana waxaad moodaa in mowqifkii wax iska bedaleen oo arinkii shisheeye daraf inaga soo galay oo shirarkan imika la wado waa shirar ay hogaaminayaan dawlado shisheeye, dawladahaasina waxay  arrintii ka dhigeen sidii aynu heshiinayno, madaxda Somaliyana sidaas ayay uga hadashaa. Marka laga soo bilaabo shirkii London iyo kii Istanbul waxaad arkaysaa soofadaran habow.”
Eng Maxamed Xaashi Cilmi oo sharaxaya wadahadalka Somaliland iyo Somalia, waxa uu yidhi,  “Waxaynu bedalnay siyaasadii ahayd lalama hadli karo ilaa ay dhistaan dawlad dadku soo doortay oo lagu kalsoon yahay, tan imika markaad eegto talaba ma hayaan oo waa loo talinayaa, markaa mowqifkaa cusub ee la leeyahay aynu la shirno oo aynu dhex fadhiisano, marka aad ka soo qaado shirkii London, Madaxwaynaheenu waxa uu tagay isaga oo Madaxwayne ah,  laakiin markii uu shirka galay Shariifka ayaa Madaxwayne inoo ahaa ilayn la inama ictiraafsanee, shirkii Istanbul-na wasiirradeenii tagay iyaga ayaa  u madax ahaa (TFG-da), waayo dadka shirkaasi joogay Somaliya ayay dawlad ahaan u aaminsan yihiin,  markaa halkaa khasaare ayaa inoogu jira, inaga oo ay tahay inaynu wada hadal la yeelano dad umaddu soo dooratay oo wax ka go’aan”ayuu yidhi.
Wuxuuna soo qaatay qaabka ay madaxda dawladda Taagatadaran uga hadlaan dhibaatadii shacbiga Somaliland loo geystay, isagoo yidhi, “Marka ay ka hadlayaan dhibaatadii ina gaadhay waxay yidhaahdaan cid walba waxbaa gaadhay, waxay yasayaan dhibaatadii ay inagu sameeyeen, laakiin iyagu (shacabka Koonfurta) is-gaadhsiiyey dhibaatada, laakiin inaga dawladii dalka (Taliskii Siyaad Barre) ayaa ina gaadhsiiyay.
Waxaan ku talin lahaa fikradeenii hore ee ahayd in lala hadlo marka ay wax noqdaan, waayo imika in lala fadhiisto ayaa ceeb ah, waxaanad moodaa in wada hadalkii inaga qaloocday, waxaanan leeyahay aynu arrinkaa dib ugu noqono oo aynu danteenii u soo noqono oo marka cid ay doortaan ee ay masuul noqdaan wixii ka wada hadlayno aynu ka wada hadalno.”
“Haddii aynu teena ku guulaysan waynu inaynu ta xun u diyaar-garowno ayaa inala gudboon oo aynaan wakhti iskaga lumin nimankan aan cidna matalin, waxaanan qabbaa inaynu ka soo noqono murgacashada inagu timid labadii shir ee London iyo Istanbul”ayuu yidhi. Eng. Xaashi isagoo ka talinaya haddii arrimuhu noqdaan kuwo madhalays ah.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office   
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *