Burco(ANN) Guddoomiyaha Baanka Somaliland,  Xubno Wasiiro ah oo  ka tirsan xukuumadda Somaliland, Madaxdhaqameed iyo dadweyne tiro baddan  ayaa maanta ka qayb galay xaflad balaadhan oo loo sameeyay furitaanka bilowga hawsha shacbiga Gobolka Tog-dheer lagaga bedelayo lacagta

 

giimbaarta ee laga qaato deegaanadaasi oo ku go,doonsanayd.
Guddoomiyaha Baanka dhexe ee Somaliland Dr.  Cabdi Dirir Cabdi,oo kale ka hadlay furitaankii Xafladaa oo lagu qabtay Huteelka City Plaza ee magaalada Burco. ayaa  sheegay inay  xukuumadiisu ku guulaysatay balan qaadkii la xidhiidhay in lacagta giimbaarta ah laga bedelo gobolka Tog-dheer, isagoo  ku tilmaamay mid  curyaamisay dhaqaalihii gobolkaa ee  ku xidhnaa dhinaca ganacsiga xoolaha iyo badeecadaha safarada uga yimaada Somalia iyo Puntland.
Gudoomiyuhu waxa uu sheegay in hawsha lacag bedelku ay muddo toban cisho ah ka socon doonto Baanka magaalada Burco, waxaanu tilmaamay in 2000 lacagta giimbaarta ah lagu bedeli doono 1000 Sl sh, taas oo ah noodhka cusub ee Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo dhowaan soo daabacday oo dalka soo gaadhay todobaadkii hore.
Dr. Cabdi Dirir Cabdi waxa uu uga digay shacbiga gobolkaasi inay iska ilaaliyaan lacagaha foojariga ah ee lagu doonayo in lagu mijo xaabiyo dhaqaalahooda.

 

 

Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dr.Cabdi Aw Daahir Cali oo ka hadlay madashaasi waxa uu sheegay in muddo lix sanadood ah ay shacbiga Gobolka Tog-dheer ay ku olalayn jireen xisbi ahaan inay ka bedeli doonaan lacagta giimbaarta. Sidaa darteed ay balantii fulinayaan.
Sidoo kale Madaxdhaqameedka gobolka qaarkood oo iyaguna halkaa ka hadlay, Suldaan Cismaan Cali Madar iyo Sulaadaan Maxamuud Guuleed Mirre ayaa xukuumadda ku ammaanay waxqabadka iyo dedaalka ay muujinay,  waxaanay dawlada u soo jeediyeen inay kordhiyaan mudada lacag bedelku ay ka soconayso gobolka oo ay xuseen inuu aad u balaadhan yahay, si ay bulshadu fursad u helaan.
Dadweynaha gobolka Togdheer gaar ahaan xaruntiisa Burco ayaa si weyn usoo dhoweeyay qorshaha talaabada ay Xukuumadda Somaliland xiligan kaga bedelayso lacagta giinbaarta eek u go’doontay,  waxayna  maantaba bilaabeen inay dadweynuhu safaf  dhaadheer u galeen sidii ay lacagta giimbaarta ay ugu bedelan lahaayeen noodhka shilinka Somaliland, iyadoo  dadweynihii lacagta bedelanayay ay u mahad celiyeen xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo ay sheegeen inay fulisay balan qaad aad ugu cuslaa shacbiga gobolka Tog-dheer oo xukuumaddii ka horaysay dhawr goor ku badhi furtay, taas oo tiraba sadex jeer ku dartay miisaaniyadii ay golaha wakiilada hor keentay mudadii ay xilka haysay.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *