Maqrib(Araweelo News Network) Al-Qaaciddada ka dagaalanta Maqrib ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in ay khaarajiyeen laba weriye oo u dhashay dalka Faransiiska oo mudo Afduub loo haystay.
Sidaana waxa lagu faafiyay mid ka mid ah boggag ay kooxda Al-qaidad maqrib ku leedahay Internetka oo lagu magcaabo maqribul islaami.
Bayaank ayaa lagu faahfaahiyay qaabkii uu u dhacay howlgal Afduub iyo iqtiyaal ahaa oo ay dhawaan ka sameeyeen Al-qaida magaalada Gawa ee waqooyiga wadanka Maali.
Hoggaanka mujaahidiinta Al-Qqaacidda waxay sheegeen in ciidankooda gaarka ah ay fuliyeen howlgalka lagu dilay labada wariye oo u dhashay faransiiska xilli ay howllo shaqo u joogeen duleedka magaalada Gaawah, waxayna magacyada labada saxafi ku sheegeen Kiristiyaan Diiboon iyo Koold Fiirloon, kuwaas oo ay sheegeen in dilkoodu uu jawaab u yahay duulaanka gardarada ah ee Faransiisku ku qaadeen wadanka Maali.
“Waa waxyar oo kamid ah jawaab celinta dambiyada ay cadawga saliibiga faransiiska u geysteen muslimiinta Maali,annaga ayaa mas’uul ka aheyn howlgal lagu dilay saxafiyiin faransiis ah oo ka dhacay Gaawa”ayaa lagu yidhi bayaanka al-qaacidda kasoo baxay oo sidoo kale lagu dabacay shabakadda saxraa Media ee laga leeyahay dalka Muritania.
Dhinaca kale Looran Faabiyoos oo ah wasiirka arrimaha dibadda Faransiiska ayaa dilka saxafiyiinta u shaqeynayay FRI ku tilmaamay faldambiyeed argagax leh oo ka baxasan bini aadanimada.
info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com