Sheekh-Maxamed-Xaaji-Maxamuud-XiirayHargeysa(Araweelo News Network)Guddoomiyihii Guddida Wanaag-fariska iyo Xumaan-reebista Sheekh Maxamed Xaaji Maxamuud Xiiray ayaa laga qaaday xilkii gudoomiye kadib markii uu si badheedh ah ugu andacooday in ragga iyo

 

dumarku siman yihiin dhinaca magta.

 

Sheekh Maxamed Xaaji Maxamuud Xiiray ayaa 8 March 2014 oo ah maalinta dunida reer galbeedku u asteeyeen maalinta Haweenka aduunka oo meelo badan oo dunida islaamkana laga xuso, taas oo munaasibad loo qabtay laga xusay Somaliland, wuxuuna si badheedh ah Sheekhaasi ugu andacooday in aanay kitaabka qur’aanka kariimka ah iyo sunnaha Nabbi Muxamed (SCW) meelna kaga soo arroorin in raggu ka mag badan yihiin dumarka, wuxuuna ku dooday in arrintaasi tahay dhaqan muslimiinta iyo Soomaalidu muddo dheer ku dhaqmayeen, balse aanay meelna kaga xusnayn shareecada islaamka.

Dhawaaqa Sheekh Maxamed Xaaji Maxamuud Xiiray, waxa uu layaab ku noqday bulshada Somaliland, waxaana si weyn uga cadhooday culimada Guddida Wanaag-farista iyo Xumaan-reebista ee Somaliland ee uu  guddoomiyaha u ahaa iyo sidoo kale culimada kale ee dalka.

Hase yeeshee gudida wanaagfarista ayaa kulan deg deg ah oo la xidhiidha  arrintaas ku yeeshay xaruntooda magaalada Hargeysa shalay, waxayna  si adag u sheegeen in shareecada islaamku kala xadaysay magta ragga iyo dumarka, iyagoo dhawaaqa gudoomiyohoodana ku tilmaamay mid fidmo abuur ah, sidaas darteedna ay guddi ahaan xilkii guddoomiye ka qaadeen Sheekh Maxamed Xaaji Maxamuud.

War murtiyeed Guddida Wanaag Farista iyo Xumaan reebista Somaliland soo saareen shalay, waxay ku sheegeen in culimada iyo madaxda guddidaasi Sheekh Maxamed Xaaji Maxamuud Xiiray ku qancin kari waayeen inuu ka noqdo fikirkiisa la xidhiidha in sharci ahaan ragga iyo dumarku ka siman yihiin dhinaca magta.

Qoraalka gudida Culimada ayaa lagu yidhi sidan:- “Haddii aannu nahay guddida Wanaag-farista iyo Xumaan-reebista Jamhuuriyadda Somaliland, kana shaqeeya arrimahan hoos ku qoran:

1-    Wacyigelinta bulshada iyo Dacwadda

2-    La-dagaalanka Aflagaadeynta Ilaahay, Rasuulka (NNKH), Diinta iyo Malaa’igta.

3-  La-dagaalanka maandooriyeyaasha, sida: khamriga, xashiishada iyo wax kasta oo waxyeelo u leh bulshadeena.

Haddaba, hawshan aannu u hayno Illaahay dartii, waxa guddida soo food saaray arrin (dooda magta ragga iyo dumarka) ku cusub bulshada islaamka oo khalkhal gelinaysa, isla markaana horseedi karta khilaaf dineed iyo nabadgelyo-darro   aan ku jirin shareecadeena, taas oo ka soo yeedhay xubin ka mid ah guddida Wanaag-farista iyo Xumaan-reebista Somaliland, ahna Guddoomiyihii Guddidaas, taasi oo fajaciso iyo ammakaag ku noqotay guddida, culimada iyo dhamaan bulshada Islaamka, iyada oo aanay guddidu waxba ka ogeyn, isla markaana ka tallogelin ayuu (Sheekh Maxamed Xaaji Maxamuud Xiiray) ka sii daayey Idaacada Maalintii taariikhdu ahayd 8/3/2014.

Ka dib markii ay arrintani dhacday Guddidu waxa ay in badan isku dayeen in ay u caqli celiso, una nasteexayso xubintan guddidaka tirsan ee ku dhawaaqday arrimo aan loo dirin, shaqada guddidana ahayn, laakiin uu ka dhago adaygay, waxaannu ku adkaysatay inuu isagu sax sanyahay.

Sidaa darteed, waxa xubnaha guddidu dhamaantood isku raaceen ama isku waafaqeen in aannu ninkaas metelin guddida wanaag-farista iyo Xumaan-reebista, isla markaana waxa aannu kala noqonay kalsoonidii xubinimada Guddida. Sidoo kale, waxa aannu ka qaadnay xilkii Guddoomiyenimo ee guddida,” ayey Guddida Wanaag-faristu ku yidhaahdeen warsaxaafadeedkooda.

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *