Gedo(ANN)Cutubyo katirsan Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab ayaa la wareegay gacan ku heynta degmada Beled-xaawo ee gobolka Gedo. Kadib markii ay halkaa ka bexeen  xalay ciidamadda dawlada taagta daran oo dhowaan qabsaday.Qaar kamida dadka

 

 

 

 degaanka ayaa sheegay in markii  ay soo galeen magaaladaa  ciidamada Mujaahidiinta aanay  jirin wax dagaalo ah oo halkaasi ka dhacay, madaama xilaga ay soo galayeen degmadu ay aheyd mid haawaneysa oo ay  iskaga  baxeen Ciidamada DKMG ah, kuwaas oo sida wararku sheegayaan  ka cabsi qabay   weeraro ay  Xarakada Mujaahidiinta Al –shabaab  kusoo qaadaan halkaasi.

 

Masuulka Al-shabaab u qaabilsan deegaanka Geddo Sheekh Bishaar Aadan Cadi oo Saxaafada la hadlay ayaa sheegay in degmada ay iyaga gacan tooda ku jirto ,isla markaana ay ku sugan yihiin Ciidamada Mujaahidiinta Al shabaab, isagoo xusay  inay  guda geli doonaan Tirakoobka dadkii ay hantidooda ay dhaceen Ciidankii dowladda intii ay kusugnaayeen halkaa oo uu ku eedeeyay inay boobeen hantida dadka, isla markaana ay  u geysteen dadka rayidka ah dhibaatooyin  intii ay sugnaayeen halkaa ciidamada dawladu, wuxuuna ku tilmaamay dhibaatooyinkaa inay  ka mid  ahaayeen   dhac ay ugeysteen Hantida dadka rayidk a ah, jidh-dil  dadka qaar ay u geysteen, iyagoo sida uu ku dooday ku eedaynaya  inay ka tirsan yihiin Xarakada al shabaab, iyo haweenka qaar kood oo ay kula kacayeen falal ka baxsan Anshaxa islaamka. Ayuu yidhi.
Dhinaca kale Khamiistii shalay  ka hor intii aanay ka bixin ciidmada dawlada taagta daran waxaa magaalada Balad-xaawo lagu dilay gabadh aan wax magaceedu ahaa  Marxuumad Muraayad Macalin Rashiid Sheikh Cabdiraxman, ka dib markii ay haleeshay rasaas ay ciidamada DKMG ah eek u sugnaa Beled-Xaawo ku rideen gaadhi dad shicib ah siday. Gaabadhaa  oo sida ay wararku sheegayaan  ka mid aheyd dadkii ka qaxay Balad-xaawo markii ay ciidamada Barre qabsadeen. Waxayna wararku sheegayaan inay ciidamada DKMG ah mudadii ay halkaa ku sugnaayeen falal sidan oo kale dad shicib ah rasaas ay rideen galaafato. Iyadoo ay dadka badankiisu ka qaxeen magalaadaa mudadii ay haysteen ciidmada Barre Hiiraale.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *